Saturday, September 7, 2024

Super Tuesday… Maalinta kala miiranka doorashooyinka Mareykanka

Washington (Dawan)- Maalinta loo yaqaano   “Super Tuesday” waxa ay uga dhigantahay dadka Mareykanka maalin weyn oo ahmiyad gaar ah u leh doorashooyinka madaxtinimo ee dalkaas.

Maxay tahay Super Tuesday ?

Super Tuesday waa maalin muhiim u ah doorashooyinka Mareykanka, waana maalinta aan ku tilmaami karno maalinta kala miiranka, iyadoo 16 gobol, oo ay ku jiraan California, Texas, Massachusetts iyo Virginia, ay ka dhacayaan doorashooyinka hordhaca ah ee ay xisbiyadu kusoo dooranayaan musharrixiintooda madaxtinimo ee doorashada soo socota.

Waa maalinta kala baxa ee ay caddaaneyso musharrixiinta  u tartami doona  labada xisbi ee dalka Mareykanka  doorashada madaxtinimo ee soo socoto.

Doorashooyinka hordhaca ah waxay ujeedadoodu tahay in ergooyinka ka qeyb gelaya shirweynaha guud ee xisbiga ay si rasmi ah u doortaan musharraxa  xisbiga ku meteli doona doorashada madaxtooyada, waxaana hal maalin “Super Tuessday” ay doorashadu ka dhici doontaa 15 gobol.

Gobolladdaas ayaa kala ah Alabama, Alaska, Arkansas, California, Colorado, Maine, Massachusetts, Minnesota, North Carolina, Oklahoma, Tennessee, Texas, Utah, Vermont iyo Virginia.

 Codbixintu waxay sidoo kale ka dhici doontaa Dhulka Koonfurta Baasifigga ee Samoa, oo ka mid ah qeybaha shanta ah ee  dhulka  Maraykanka.

Musharrixiinta madaxtinimada Mareykanka ee la filayo

Tartanka xisbiga Jamhuuriga ayaa ku billaawday 11 musharrax, kuwaasoo labo murashax oo kaliya ay gaareen maalinta kala baxa ee “Super Tuesday” kuwaas oo kala ah  madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo barasaabkii hore ee South Carolina Nikki Haley, kaddib markii ay musharraxiinta intooda kale ay tanaasuleen toddobaadyadii iyo bilihii lasoo dhaafay.

Natiijadii doorashooyinkii ka dhacay 9 gobol ayaa durbaba muujinaya in Trump uu si weyn uga horeeyo, maadaama uu ku guuleystay inta badan , isagoo gaaray 40 dhibcood gobolada qaar.

Dhinca kale, marka la eego xisbiga Dimuqraadiga ma jiro musharrax soo garab istaagi kara madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sidaas darteed doorashada soo socota waxaa mar kale la filayaa in ay iska hor imaan doonaan Trump iyo Biden.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa shirweynihiisa guud  qaban doona inta u dhaxeysa 15-ka ilaa 18-ka July ee soo socota, kaas oo  ka dhici doonaa magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin, si uu si rasmi ah ugu dhawaaqo  musharraxa ku tartami doona magaca xisbiga.

Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga. wuxuu qaban doonaa shirweynihiisa guud inta u dhaxeysa August  19 iyo 22 kaas oo ka dhci doona magaalada  Chicago ee  Illinois.

Doodaha musharrixiinta iyo doorashada

Sida caadada ah ka ah dalka Mareykanka, waxaa dhax mari doona musharrixiinta u tartameysa madaxtinimada  3 doodood, iyada oo hal dood ay dhax mari doonto musharrixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka.

Doodahaas ayaa dhacaya bilaha September iyo October, kadibna doorashada ayaa la geli doona  5-ta November 2024-ka, iyada oo  ku guuleystaha madaxtinimada Mareykanka la caleema saari doono Subaxnimada 20 January ee  2025.

Donald Trump maka aarsan doona Joe Biden mise mar kale ayuu guul darreysan doona?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here