Sunday, September 8, 2024

Suudaan oo ka hortimid shir looga hadlayo arrimaheeda oo ay France martigelineyso

Khartoum (Dawan)- Dowladda Suudaan ayaa ka hor timid shir looga hadlayo arrimaheeda oo lagu wado in dowladda France ay marti geliso 15-ka bishan April.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa lagu cambaareeyay tilaabada ay qaaday France, iyada oo lagu eedeyay in ay ku dhawaaqday shir looga hadlayo arrimaha Suudaan iyada oo aan wax wada tashi la sameynin madaxda dowladda Suudaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan waxa ay sheegtay in shacabka Suudaan ay leeyiihin dowlad la aqoonsanyahay oo madax banaan sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in lasoo maro hannaanka sharciga marka la doonayo in laga hadlo xaaladda Suudaan.

Suudaan ayaa go’aanka France ku tilmaamtay inuu ka dhiganyahay tixgelin la’aan iyo ku xad gudbid sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’da madax-bannaanida dowladnimada iyo nidaamka caalamiga ah ee casriga ah.

Maalintii Khamiista , Faransiisku wuxuu daaha ka qaaday yoolalka ugu muhiimsan ee loo qorsheeyay shir ay martigelinayso Paris, Isniinta soo socota, kaas oo looga hadlayo xaaladda Suudaan, waxaana ka gacan ka geysanaya Jarmalka iyo Midowga Yurub.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shirka looga baahan yahay in laga gaaro saddex hiigsi oo waaweyn oo kala ah; Midda koowaad in la helo ballan qaad dhab ah oo ku saabsan maalgelinta hay’adaha ka shaqeeya baahiyaha bini’aadantinimo ee muhiimka ah ee Suudaan, tan labaad waa in laga shaqeeyo sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka dhinaateysan iyada oo aan la carqaladeynin, tan saddexaadna waa in laga hortago in xasillooni darrada ka jirta caalamka aysan saameyn ku yeelan Afrika oo ay Suudaan ka mid tahay.

Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ayaa ku dagaalamay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka, iyada oo ay ku dhinteen dagaalkaas ilaa 13,900 oo qof, halka in ka badan 8 milyan oo qofna ay ku barakaceen, ​​sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here