Wednesday, November 27, 2024

Swan oo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka

Garoowe (Dawan)-  Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada mas’uul waxay kawada hadleen dadaallada lagu wanaajinayo dowlad dhiska Soomaaliya, xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo arrimaha la xiriiira horumarimta deegaanada Puntland.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda oo ay Qaramada Midoobeysay boggaadisay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee socda iyo Mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo”. ayaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay Puntland

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa Garoowe, waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay Puntland ka taageerto horumarinta iyo arrimaha bini’aadantinimo, wuxuuna bogaadiyay horumarka laga sameeyay dadaallada lagu sugayo amniga deegaanada Puntlanad.

“Waxaan kawada doodnay xaaladda amniga, waxaana maamulka Puntland ku bogaadiyey dadaalladooda ku aaddan xakameynta kooxaha argagaxisada ah ee gobolka Bari, wax ka qabashada colaadaha qabaa’ilka ee ka dhashay khilaafaadka la xiriira dhulka ee gobolka Mudug,” ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

James Swan ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Puntland in wax laga qabto dhacdooyinka burcad-badeedda ee ka soo cusboonaadey xeebaha maamulkaas iyo saamaynta tahriibka.

Ku-simiha Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa xusay in, inkastoo ay Soomaaliya ku tallaabsatey horumar la taaban karo sannadihii la soo dhaafey, haddana in ay weli jiraan caqabado badan, wuxuunna tilmaamay baahida loo qabo heshiis iyo iskaashi.

Swan ayaa yiri ” Shacabka Soomaaliyeed waxaa faa’iido ugu jira in Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada ay xalliyaan khilaaf kasta ee u dhaxeeya ayna raadiyaan hab ay ku wadashaqeyn karaan, si looga gudbo caqabadaha ku horgudban qaranka”

Tan iyo markii James Swan dib loogu soo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu kulamo la qaatay Madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul-Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna booqasho ku tagay Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Sida Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sheegay, Sanadkan, miisaaniyad $120 milyan ah ayaa loo qoondeeyey hawlaha bani’aadamnimada, horumarinta, nabadeynta, dib-u-habeynta laamaha amniga iyo dimuqraadiyeynta.

Dowladda Goboleedka Puntland ayaa hore u shaacisay inay joojisay wadashaqayntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay wax ka bedelka qodobada ugu horeeya ee Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here