Sunday, September 8, 2024

Sweden oo ku biirtay NATO Kadib 2 qarni oo dhaxdhaxaadnimo ah

Washington (Dawan)- Dowladda Sweden ayaa si rasmi ah u noqotay xubintii 32-aad ee Isbahaysiga NATO, ka dib laba qarni oo ay ahayd Dowlad dhaxdhaxaad ah, iyo laba sano oo ay ugu jirtay sidii ay ugu biiri lahayd NATO taas oo ka careysiin doonta deriskeeda Ruushka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Anthony Blinken oo soo dhaweeyay ku biirista Sweden ee NATO ayaa yiri, ” dadaala wuu gaaraa” isaga oo ula jeeda dadaalkii ay Dowladda Sweden u gashay sidii ay uga mid noqon lahayd NATO.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, oo u safray Washington si uu uga qaybgalo xafladda ku biiritaanka dalkiisa ee NATO, ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay “guul xorriyadeed.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah, Sweden hadda waxay qaadan doontaa kaalinteeda saxda ah ee NATO.” Waxa uu intaa ku daray, “Kadib 200 oo sano oo dhaxdhaxaadnimo ah, Sweden hadda waxay ka faa’iidaysanaysaa qodobka shanaad ee dammaanad qaadaya xorriyaddeeda iyo amnigeeda”

Ku biiritaanka Sweden ee NATO kadib markii Finland ay ku biirtay sannadkii hore ayaa ka dhigan in dhamaan wadamada ku teedsan badda Baltic marka laga reebo Ruushka in ay hadda xubin ka yihiin NATO.

Sweden waxay gacan ka geysataa ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah, laakiin ma aysan gelin dagaal toos ah tan iyo markii ay isku dhaceen Norway 1814kii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here