Friday, October 18, 2024

Taariikh mugdi ah oo dul hoganeysa hoggaanka sare ee dalka

Muqdisho (Dawan)- Taariikh mugdi ah oo dul hoganeysa hoggaanka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa qortay Xildhibaanad Maryan Faarah Kaahiye

Waxa keliya ee aan sheegayo amase aan halkaan Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ugu soo gudbinayo ayaa ah in aan habeen iyo maalin u taagnahay taageeridda go’aankeeda sharafta leh.

Xildhibaan Fawsiya waxay mudnayd lama marsiin; waxay mudnayd garab iyo gaashaan in Hoggaanka sare ee dalku u noqdo;waxay mudnayd in maanta lagu taageero hanashada jagada ugu sarraysa ee Midowga Afrika(AU).

Runtii waa ayaan darro in xaqa Soomaaliya lagu beddasho wax aan muuqan una qalmin ummaaddeen iyo maamuuska guud ee Qaranka.

Sannad gudihi,waa markii 2-aad ee Xildhibaan Soomaaliyeed oo tartan ugu jira jago sare ee Midowga Afrika laga reebo!

Waxaa yaab iyo amakaag ah, in sannad gudihi, Madaxweyne Xasan uu tartanka ka reebo laba(2) Xildhibaan (Xildhibaan Fawsiyo iyo Xildhibaan Marwo) oo weliba hormuud u ah hablaha Soomaaliyeed dal iyo dibedba.

Gunaanadkii,waxaan mar 2-aad bogaadinayaa go’aanka walaashay Xildhibaan Fawsiyo, anigoo u rajeynayaa guul iyo in ay halganka halkaas kasii waddo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here