Muqdisho, Maarso 2025 – Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilowday u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah, sida uu xaqiijiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Tababarayaashii ugu horreeyay ee shaqada loo xilsaaray ayaa loo soo gabagabeeyay tababar gaar ah oo lagu diyaarinayay.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikarim Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarkii loo qabtay 60 qof, kuwaas oo noqon doona tababarayaal diyaarinaya shaqaalaha ka shaqeyn doona diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda.
Munaasabadda xiritaanka tababarkan oo ka dhacday Muqdisho, Guddoomiye Cabdikarim ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka doorashooyinka dalka. Wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay u jihaysaneyso nidaam doorasho oo ku saleysan “qof iyo cod,” taasoo ah marxalad horleh oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda.
“Maanta waxaan soo gabagabeynay wajigii hore ee tababarka tababarayaasha, kuwaas oo diyaarin doona shaqaalaha ka shaqeynaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Dad gaaraya 60 qof ayaa tababarkan dhammeystay, waxayna noqon doonaan macalimiin tababari doona kuwa kale ee hawshan qaban doona,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikarim.
Wuxuu intaa ku daray in tababarayaashan ay yihiin dufcadii ugu horreysay, isla markaana la rajeynayo in wajiyada xiga la tababaro tiro kale oo dheeraad ah, si loo dardargeliyo howlaha diiwaangelinta doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku diyaariyaan doorashooyinka soo socda, isaga oo xusay in guddigu uu u taagan yahay xaqiijinta in awoodda codbixinta lagu celiyo gacanta shacabka.
Tababarkan la soo xiray ayaa kusoo aadaya xilli Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu 18-ka Maarso 2025 si rasmi ah u shaaciyay inuu dhammeystiray diyaar-garowga doorashooyinka golayaasha deegaanka. Guddiga ayaa sheegay in la helay dhammaan agabkii loo adeegsan lahaa codbixinta iyo diiwaan gelinta dadka, taasoo muujinaysa in dalka uu u diyaarsan yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah.