Monday, September 16, 2024

Tahriibayaal ku dhintay xeebaha Yemen iyo kuwa kale oo la la’yahay

Sanca (Dawan)- Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhinteen 14 kalena la la’yahay ka dib markii dooni ay la socdeen tahriibayaal Itoobiyaan ah ay ku degtay xeebta gobolka Tacis ee Koonfur-galbeed ee Yemen.

Hay’addu waxay bayaan ay soo saartay ku tiri; “13 qof ayaa si naxdin leh u dhintay, 14 kalena wali waa la la’yahay ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha gobolka dalka Yemen”

Warku waxa uu intaa ku darayaan in doonidu ay kasoo baxday dalka Jabuuti ayna la socdeen 25 tahriibayaal isagu jiray Itoobiyaan iyo Yemeniyiin.

“Dadka dhintay ayaa kala ahaa 11 rag ah iyo labo dumar ah, kuwaasoo meydadkooda laga soo saaray xeebta Bab al-Mandab ee u dhow degmada Dhubaab ee gobolka Tacis” ayay markale hay’addu ku tiri, war-saxaafadeed ay soo soortay.

Hay’adda ayaa intaas raacisay in howlgallada baadigoobka ayaa sii socdan iyadoo la rajeynayo in la helo dadka la la’yahay oo ay ka mid yihiin kabtankii doonta iyo kaaliyihiisi oo u dhashay Yemen.

Lama sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay in ay doonto degto

Yemen ayaa marin u ah bulshada geeska Afrika ee inta badan ka cararta dalalkooda si ay shaqo uga helaan dalalka Khaliijka gaar ahaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here