Friday, October 18, 2024

Taiwan oo Hargeysa ka hirgelineysa isbiitaal ay ku baxayso $ 22 milyan

Hargeysa (Dawan)- Taiwan iyo Somaliland ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis ku kacaya 22 milyan oo dollar kaas oo loogu tala galay in lagu dhiso isbitaal.

Heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Xasan Maxamed Cali iyo wakiilka Taiwan, ee Somaliland, Allen Leo.

Taiwan ayaa ku yaboohday 22 milyan oo dollar, si loogu hirgeliyo xarun caafimaad oo dhamaystiran taas oo looga gol leeyahay in kor loogu qaado adeegyada daryeelka caafimaadka ee Somaliland.

Wasiirka caafimaakda waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee Taiwan, isaga oo xusay inay caddeyn u tahay kalsooniida ay Taiwan ku qabto Somaliland oo ku jirta xilli doorasho.

Wasiirku waxa sidoo kale tilmaamay in Taiwan ay ka teegaarto Somaliland dhinacyo badan sida beeraha, waxbarashada, tignoolajiyada, ganacsiga iyo doorashooyiinka.

” Annaga oo garwaaqsan waxtarka ay horumarinta adeegyada caafimaadku u leeyihiin bulshada reer Somaliland, waxaan ku faraxsannahay in aanu ku dhawaaqno ballan-qaad rasmi ah oo ​​22 milyan oo dollar ah, lacagtaas oo loogu tala galay naqshadaynta, dhismaha iyo qalabka lagama maarmaanka u ah Xarunta Caafimaadka” sidaas ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Taiwan ee Hargeysa.

Labada dhinac waxay xoojiyeen iskaashigooda tan iyo markii ay isdhaafsadeen wakiilo sanadkii 2020, inkasta oo ay yihiin maamulo aan dunida ka haysanin aqoonsi caalami ah.

Mashruucan caafimaad marka laga yimaado, Taiwan waxay bishii September ku bixisay doorashada Somaliland lacag dhan 2 milyan oo dollar,.

Saxiixa heshiisyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Somaliland ay isu diyaarinayso doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo xisbiyada ee muddaysan 13-ka November 2024-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here