Thursday, September 19, 2024

Taliyaha Boliiska Kenya oo lagu xakumay 6 bilood oo xabsi ah

Nairobi (Dawan)- Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Kenya, Gilbert Masengeli ayaa lagu xakumay 6 bilood oo xabsi ah kadib markii lagu eedeyay inuu ka dhega adeegay inuu hor yimaado maxkamadda si wax looga weydiiyo dad ay Bollisku xireen oo la waayay.

Masengeli waxa uu heystaa fursad todobaad ah inuu ku horyimaado maxkmadda haddii uu samayn waayana waxaa qabanaya xukunka xabsiga ah ee uu soo saaray garsoore Lawrence Mugambi

Maxkamadda ayaa horay ugu codsatay taliyaha inuu keeno warbixin ku saabsan halka ay ku dambeeyaan seddex qof oo ay Boliisku xireen kadibna la waayay meel ay ku suganyihiin .

Seddexda qof oo ka qayb ahaa bannaanbaxyadii dalkaas ka dhacay ee looga soo jeeday sharcigii canshuuraha ayaa kala ah Jamil Longton, walaalkiis oo lagu magacaabo Aslam Longton iyo Bob Njagi.

Garsoore Lawrence Mugambi ayaa amray in Masengeli uu isku dhiibo guddoomiyaha guud ee waaxda ciidamada asluubta ee dalka si loo geeyo xabsiga isaga oo ku qaadan doona 6 bilood

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku martay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kithure Kindiki in laga doonayo inuu dhaqangeliyo go’aanka ka soo baxay maxkamadda.

Qareenka Masengeli ayaa horay maxkamadda ugu sheegay in aysan suurtagal ahayn inuu Taliyuhu horyimaado xilligaan la joogo maxkamadda maadaama uu ku mashquulsanyahay arrimo amni iyo socdaallo kormeer ah oo uu ku tagayo ismaamullo ay ka mid yihiin gobolka Waqooyi-bari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here