Wednesday, October 2, 2024

Taliyaha ciidamada Uganda oo Qaahira kula kulmay Al-siisi

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siisi ayaa maanta oo Arbaca ah xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Jamhuuriyadda Uganda, General Muhoozi Museveni, oo hadda booqasho ku jooga Qaahira.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Masar ahna wasiirka difaaca, Cabdimajiid Saqar.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa tilmaamay in labada dhinac ay kawada hadleen xoojinta iyo iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada ciidamada iyo hay’adaha amniga.

Jeneraal Muhoozi Museveni ayaa Madaxweynaha Masar la wadaagay farriin uu ka siday Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, taasoo oo la xiriira hannaanka lagu xoojin karo iskaashiga labada dowladood.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladda guud ee gobolka iyo tan qaarada, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo dadaallada horumarineed ee wadajirka ah ee ka dhexeeya dalalka Qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka uu maro webiga Niil iyo kuwa Geeska iyo Bariga Afrika, si looga mira dhaliyo danaha guud ee dhamaan wadamada Afrikaanka ah.

Madaxweyne Cabdifataax Al-siisi ayaa bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Uganda, isagoo carrabka ku adkeeyay in labada dal ay si weyn ugu hanwaynyihiin xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhanka ciidamada.

Tan iyo markii uu xoogeystay khilaafka webiga Nile ee Qaaahira iyo Addis Ababa, Masar waxay billowday inay xoojiso xiriirkeeda dalalka Geeska Afrika, taas oo ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto Itoobiya.

Share this article

Recent posts

Previous article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here