Monday, September 16, 2024

Tirada dadka Jabuuti oo marki ugu horeysay kor u dhaaftay hal malyan

Jabuuti (Dawan)- Hay’adda Tirakoobka Jabuuti (INSTAD) ayaa soo saartay warbixin ku saabsan tirakoob lagu sameeyay dadwaynaاa Jabuuti.

Nuxurka warbixinta

  • Tirada dadka Jabuuti= 1,066,809 qof
  • 72.8% waxay ku noolyihiin caasimadda
  • Dadka Jabuuti waa dhallinyaro da’ahaan 25 sano
  • Celcelis ahaan tirada qoysku waa 6 qof.

Sida lagu ogaaday tirakoob ay sameeyay Hay’adda Tirakoobka Jabuuti (INSTAD), tirada dadwaynaha Jabuuti ayaa dhaaftay markii ugu horeysay halmalyan oo qof, iyada oo gaartay 1,066,809 oo qof.

Tirakoobkan cusub ayaa muujinaya koror wayn marka la barbar dhigo tirakoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay sannadkii 2009 kaas oo ay dadwaynaha Jabuuti ahaayeen 818,159 qof, waana koror dhan celcelis ahaan 1.8% sannadkiiba.

Magaalada Jabuuti ee caasimadda aya ah halka ay ku noolyihiin dadka ugu badan oo lagu qiyaasay 776,966 taas oo ka dhigan 72.8%.

Arrintan ayaa loo sababeynaya nolosha magaalada iyo adeegyadeeda hormarsan marka loo eego magaalooyina kale ee dalka.

Magaalooyinka kale ee ugu dadka badan ayaa kala ah Cali-saxbiix, Dikhil iyo Tadjourah.

Sida ay warbixintu muujisay , guud ahaan dadwaynaha Jabuuti waxay ku noolyihiin magaalooyiinka 84.3% taas oo ku qasbaysa dowladda inay la timaado qorshe lagu maareeynayo hab nololeeda dadka iyo qaab dhismeedka magaalooyinka.

Warbxiinta ayaa sidoo kale lagu xusay in celcelis ahaan tirada qoysku ay tahay 6 qof, iyada oo dadwaynaha Jabuuti ay u badantihiin dhallinyaro lagu qiyaasy dhexdhexaadka da’dooda 25 sano.

Dhallinyarada ayaa lagu tiriya awoodaha dowladaha haddii loo maareeyo sida ugu habboon loona fududeeyo waxbarashada iyo shaqa abuurka.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda INSTAD Dr. Ibraahim Cabdi ayaa sheegay in tirakoobkan uu ka dhiganyahay tillaabo lagama maarmaan ah oo looga faa’iideysan karo qorsheynta iyo horumarinta siyaasadaha guud ee dalka .

Agaasimaha ayaa intaas raaciyay in xogta lasoo bandhigay ay u fududeyn doonto mas’uuliyiinta dowladda inay qaataan go’aano ay uga fikireen si qorsheysan kuwaas oo ka jawaabaya baahiyaha gaarka ah ee dadwaynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here