Thursday, September 19, 2024

Tony Blair oo booqasho ku tagay Jabuuti lana kulmay Geelle

Jabuuti (Dawan)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska, Tony Blair ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, isaga oo kulan la qaatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Geelle iyo Blair oo ka dhacay madaxtooyada dalkaas ayaa looga hadlay arrima badan oo ay iska kaashan karaan dowladda Jabuuti iyo Machadka Tony Blair ee isbedelka caalamka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday iskaashiga ballaaran ee ka dhaxeeya labada dal iyo sida lagu sii xoojin karo.

Tony Blair ayaa tilmaamay in dowladda Jabuuti ay ku tillaabstay horumar la taaban karo iyo xasilooni joogta ah tan iyo markii uu Ismaaciil Cumar Geelle hoggaanka u qabtay.

Mar uu la hadlayay warbaahinta Jabuuti, waxa uu yiri; “Anagga (Ingiriiska) Jabuuti waxa ay noo tahay dal muhiim ah oo noogu tilmaaman karti” wuxuuna kula dardaarmay xukuumadda Jabuuti in ay sii laba jibbaarto dadaalkeeda ku aaddan iskaashiga iyo wadashaqaynta xukuumadda Ingiriiska.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Ilyaas Muuse Dawaale iyo Xoghayaha Guud ee Madaxtooyada, Maxamed Cabdillaahi Wacays.

Tony Blair waa siyaasi caan ah oo Ingiriiska kasoo noqday Ra’iisul Wasaare 1997 ilaa 2007, isaga oo ahaa Hogaamiyihii Xisbiga Shaqaalaha 1994 ilaa 2007, wuxuuna sidoo kale ahaa Hogaamiyihii Mucaaradka 1994 ilaa 1997.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here