Thursday, May 8, 2025

Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku joojinayo duqeymaha Xuutiyiinta.

WASHINGTON, USA — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa 6-da May 2025 ku dhawaaqay in Mareykanku joojin doono weerarradii cirka ee ka dhanka ahaa kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, kadib markii hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta ay ballanqaadeen inay joojinayaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta maraysa Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Trump ayaa hadalkaan jeediyay intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Kanada, waxaana uu tilmaamay in tallaabadan ay astaan u tahay in labada dhinac ay gaareen isfaham muhiim ah oo ku saabsan nabadgelyada marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee gobolka.

“Xuutiyiintu waxay naga ballanqaadeen inay joojinayaan weerarada maraakiibtaheena, anaguna waan aqbalnay ballanqaadkooda. Duqeymaha si degdeg ah ayaan u joojin doonaa,” ayuu yiri Trump.

Wararka ayaa tilmaamaya in go’aankan uu yimid kadib wada-hadallo hoose oo dhex maray Mareykanka iyo Xuutiyiinta, iyadoo dalka Cumaan lagu sheegay inuu door ka qaatay dhexdhexaadinta.

Sidoo kale, telefishinka Al-Masirah ee ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa baahiyay qoraal lagu xaqiijiyay in kooxda ay oggolaatay inay joojiso weerarada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah, balse ay wadaan weerarada ay ku taageerayaan shacabka reer Gaza iyo falcelinta dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Mareykanku ayaa dhawaanahaan wuxuu waday weerarro cirka ah oo lagu beegsaday saldhigyada milatari ee ay Xuutiyiintu ka weerari jireen maraakiibta. Trump ayaa horey u sheegay in weeraradaasi ay ujeedadoodu tahay ilaalinta xornimada maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala Badda Cas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here