Sunday, September 8, 2024

Trump oo ka badbaaday isku day dil iyo Biden oo ku baaqay midnimo

Washington (Dawan)- Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ahna mushrrax u taagan doorashada madaxtinimo ee soo socota ayaa ka badbaaday isku day la damacsanaa in lagu dilo balse waxaa soo gaaray dhaawac.

Trump ayaa rasaas lagu furay xilli uu taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, waxayna muuqaladu qabteen isaga oo lala sii cararrayo, dhiigna ka socda dhigtiisa.

Qoyska Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa xaqiijiyay in dhaawaacisu yahay mid fudud hadana ay wanaagsantahay xaaladdiisa caafimaad.

Sidoo kale, Wakaaladda Bloomberg ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in Trump laga saaray isbitaalka.

Trump ayaa bartiisa xidhiidhka bulshada ee Truth Social ku soo qoray “waa wax lala yaabo in fal noocaasi ah uu ka dhaco waddankeena. Ma jiro ilaa iyo hadda wax laga ogyahay ninka toogashada gaystay oo hadda dhintay, waxaa la igu dhiftay rasaas iga haleeshay qaybta sare ee dhegtayda midig.”

Xabaddaha Trump lagu furay oo dhowr ahaa ayaa sidoo kale, dilay hal qof oo taageerayaasha ka mid ahaa halka 2 kalena ay ku dhawaacameen.

FBI-da Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ruuxii fuliyay isku daygii dilka ahaa ee la rabay in la khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ahaa 20 jir lagu magacaabo Thomas Matthew Crooks.

Sida ay CNN kasoo xigatay ilo kala duwan, ninka isku dayga sameeyay ma uusan wadan kaar aqoonsi, waxaana lagu dilay isla goobta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, kadib weerarkii lagu qaaday xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee gobolka Pennsylvania.

Aqalka Cad, kama bixin faahfaahin dheeraad ah wadahadalka Biden iyo Trump

Mdaxweyne Joe Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay muujiyaan midnimo si looga adkaado rabshadaha isaga oo ku tilmaamay isku daygii dilka ee Trump wax laga xumaado oo ay tahay in la cambaareeyo.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa yiri  xilli uu shir jaraa’id oo uu ku qabtay gobolka Delaware, “Ma jirto boos  Ameerika uga banana rabshadaha  noocaan ah, Waa arrin jirro ah, waana midi sabab u noqon leheed inaan mideeno dalkaan.

Wuxuu intaas raaciyey in qof kasto uu cambaareeyo Toogashadaan.

Mareykana ayaa waxaa saa’id uga socda Ololaha doorsahada ee dalkaas iyadoona tani ay imaaneyso iyadoo Trump uu ku jiray mid ka mida ololihiiisa doorashada xiiliga rasaasta lagu furayey.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here