Washington (Dawan)- Natiijada hordhaca ah ee doorashada Mareykanka ee madaxtinimo ayaa muujinaysa inuu ku horeeyo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump isaga oo helay codad gaaraya 267 oo ka mid ah 538 ka cod ee go’aamiya qofka noqonaya madaxweynaha halka ay Kamala Harris ay heshay ilaa iyo hadda 214 cod.
Dhanka codadka dadwaynaha waxaa sidoo kale ku horeeya Trump oo helay ilaa iyo hadda 68,745,351 oo ka dhigan %51.21. Haris iyaduna waxay heshay 63,553,240 oo u dhiganta %47.34