Wednesday, October 23, 2024

Turkiga iyo Niger oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka macdanta ah

Ankara (Dawan)- Maalintii Talaadadii,Turkiga iyo Niger waxay kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka sahaminta iyo soo saarista macdanta ah.

Heshiiskan ayaa dhacay kadib markii uu kulan ku dhexmaray magaalada Istanbul wasiirka tamarta iyo kheyraadka dalka Turkiga Alp Arslan Bayraktar iyo dhiggiisa Nigeria Abarshi Osman.

Iyadoo laga amaba qaadayo heshiiska is-afgaradka ah ee la kala saxiixday, waxaa la wadaagi doona macluumaadka, iyada oo ay si rasmi ah uga wadatashan doonaan wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha labada dal.

Heshiisku waxa uu suurta gelinaya ina laga wada shaqeeyo horumar waara oo ay dan ugu jirto labada dhinac.

Intaa waxaa dheer, shirkadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Turkiga ayaa lagu dhiirigelin doonaa inay ka shaqeeyaan waaxda macdanta ee Niger, iyagoo qabanaya doodo iyo xog is dhaafsi ku saabsan sahaminta iyo soo saarista kheyraadka macdanta ee ay Niger gani ku tahay.

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ka hadlayay heshiiska is-afgaradka ah ayaa sheegay in heshiiskan looga gol leeyahay in shirkadaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay ka shaqeeyaan dhanka macdanta iyo horumarinta iskaashiga dhanka sahaminta iyo soo saarista kheyraadka macdanta ee dalka Niger.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here