Thursday, September 19, 2024

Turkiga oo $6m ku bixinaya dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Ankara (Dawan)- Dowladda Turkiga ayaa Soomaalya ugu deeqday dhul safaaradeed iyo dhismaheeda oo ku kacayo lacag lagu qiyaasay in ka badan 6 milyan oo doolar, sida ku caddeed heshiis loo gudbiyay Baarlamaanka Turkiga, maalintii Isniinta.

Ku dhawaad dhul cabbirkiisu dhanyahay 5,000 oo mitter oo laba jibaar ah ayay Soomaaliya ka heleysaa dalka Turkiga kaas oo marki ay doonto iibsan karto, waxeyna u muuqataa arrin ka jawaabeysa farriin ay Soomaaliya dirtay 2015, kadib markii ay dowladda Turkiga siisay dhul dhan 61 mitter oo laba jibaaran, kaas oo noqday safaaradda ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay caalamka.

Baarlamaanka Turkiga ayaa laga sugayaa in uu ansixiyo heshiiskaan ka hor inta uusan dhaqan galin, inkasta uu dhalleeceen culus kala kulmay warbaahinadda mucaaradka ee dalka Turkiga.

Warbaahinta Turkiga, gaar ahaan wargayska Sozcu, oo ah wargays maalinle ah ayaa boggiisa hore ku daabacay Talaadadii warbixin cinwaankeedu ahaa: “Ma jirto wax laga helayo jacaylka Soomaaliya”.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii maal-gelin ballaaran ku sameeyay Soomaaliya, isagoo bixiyay in ka badan 1 bilyan oo doollar oo gargaar bini’aadinimo ah, taasoo wax looga qabanayay abaaro ay dad badan ku dhinteen.

Turkiga ayaa hadda awood ciidan ku leh magaalada Muqdisho, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada iyagoo heshiisyo kula jira dowladda Soomaaliya.

Turkiga waxa uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira kuwa lagu soo tababaray Turkiga iyo saldhigga Muqdisho ee loo yaqaan Turksom.

Diyaaradaha Drones-ka ee uu Turkiga ayaa ayaa sidoo kale ka qaybqaata hawlgallada ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Horaan bishaan May ayay ahayd markii Hay’adda Amnesty International ay ku eedeysay dowladda Turkiga in ay dad rayid ah ku dishay duqeymo ay ka fulisay Soomaaliya 18-kii March 2024.

Dowladda Turkiga ayaa sannadkii ku kabta miisaaniyadda Soomaaliya ku dhawaad $30m si ay uga qayb qaadato horumrainta adeegyada ay bixiso dowladda.

Bishii February, Turkiga iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo difaacaya badda, kaas oo faraya in Turkigu uu biyaha Soomaaliya ka difaaco argagixisada, burcad-badeedda iyo khataraha dibadda tobanka sano ee soo socda.

Bishii March, waxay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis sahamin iyo qodis shidaal ah oo lagu hiigsanayo in lagu  horumariyo kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Turkiga ayaa khibrad u leh sahaminta tamarta badda, waxa uuna ku guuleysatay inuu Gas ka helo badda madow sannadkii 2020.

Warbixin ay hore u soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga yaabo inay haysato ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto kuwaas oo isagu jira shidaal iyo gaas ah, balse waxay u baahan tahay maalgashi qaadan kara seddex ilaa shan sano.

Sannadkii 2022, Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis sahamin dhanaka shidaalka ah la gashay shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka, iyada oo la qorsheeyay in qodista shidaalka ay billaabato 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here