Saturday, September 7, 2024

Turkiga oo hogaanka u qabtay howlgalka ka dhanka ah burcad-badeedka Soomaaliya

Ankara ( Dawan)- Dowladda Turkiga ayaa markii todobaad hoggaanka u qabatay howlgalka ciidamada caalamiga ah ee xeebaha Somaaliya iyo gacanka Cadmeed looga ilaaliyo faalalka la xiriira burcad-badeednimada.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay Brazail kala wareegtay hoggaanka hawlgalka caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha Somaaliya iyo gacanka Cadmeed, iyada oo hoggaanka hayn doonta ilaa 22 January 2025.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu horay usoo qabtay hogaanka howlgalka ciidamada isku dhafka ah muddo lix jeer ah taas oo muujineysa khibradda ay u leedahay dowladda Turkigu howlaha nuucaan oo kale.

Tan iyo 25-kii February, 2009-kii, ciidamada badda ee Turkiga waxay ka qayb-qaateen hawlgallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad-badeedda gobolka.

Howlgalkan oo ka kooban ciidamo isku dhaf ah ayaa la aas-aasay bishii February ee sannadkii 2002, iyada oo loogu tala galay in looga hortago falalka burcad-badeedka iyo argagixisada ee biyaha Bariga Dhexe, Afrika iyo Koonfurta Aasiya, oo ay ku jiraan Badda Cas, Gacanka Carabta. Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyada oo Turkigu qorshaynayo inuu ciidamo gaar ah usoo diro xeebaha Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya loona dhiso ciidan badeed oo ay Soomaaliya leedahay.

 Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Jimcihii lasoo dhaafay horgeeyay Baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.

Erdogan ayaa ka codsaday Baarlamaanka Turkiga in loo ogolaado inuu xeebaha Soomaliya gayn karo ciidamada lagama maarmaanka ah muddo laba sano ah iyada oo lasii cusboonaysiin karo xilliga loo baahdo, si looga jawaabo codsiga dowladda Soomaaliya

Dhanka kale, waxaa jira heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo lagu baarayo shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya la billaabo dhammaadka sannadkan, iyada maraakiibta baaraysa shidaalka ay u baahantahay ciidan ilaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here