Sunday, September 8, 2024

Turkiga oo markab dagaal usoo diray Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray Dekadda Muqdisho, iyada oo lagu wado in munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyo.

Sida wararku sheegayaan markabkaan dagaal ayaa billaaw u ah fulinta heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dal ee ku saabsanaa ilaalinta amniga iyo xasiloonida xeebaha Soomaaliya iyo iskaashga dhanka difaaca.

Markabku waxa uu xansaarsanyahay saanad culus oo dhanka ciidamada ah, waxaana la filaya in mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta saraakiisha Turkida ah ee la socota marakabka.

Imaanshaha marakbka dagaal ee Turkiga ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan  howlihii caadiga ahaa ee dekadda Muqdisho iyada oo hakad ku yimid howlihii dekadda, waxaana fasax la siiyay inta badan shaqaalaha.

Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka soo gala ama u dhaw dekadda Muqdisho, iyada oo aad loo sugay amniga degmooyinka ku teedsan dekadda.

Heshiisyada difaaca iyo shidaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday horraantii bishii February heshiis dhanka difaaca ah oo ay dowladda Turkidu ku ilaalineyso badda Soomaaliya muddo tobon sano ah.

Heshiiskan ayaa dhacay hal kadib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland, kaas oo suurta gelinya in ay hesho 20km oo xeebaha Soomaaliya ah.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale bishii March kala saxiixday heshiis shidaal baaris iyo qodis ah oo laga sameynayo barriga iyo xeebaha Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Tan iyo sanadkii 2013-kii, Dowladda Turkigu waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay in ka badan 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here