Monday, September 16, 2024

Turkiga oo qorshaynaya inuu Soomaaliya usoo diro ciidan

Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Jimcihii horgeeyay Baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.

Tillaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah ee ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii February, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed oo ay Soomaaliya leedahay.

Labada dowladood ayaa gaaray heshiiskan wax yar kadib markii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii January is-afgrad la isku dhaafsanayo bad iyo aqoonsi.

Arrinta waxaa sidoo kale soo dedejiyay heshiiska kale ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu doonayo in sahminta shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya la billaabo dhammaadka sannadkan, iyada maraakiibta baaraysa shidaalka ay u baahantahay ciidan ilaaliya.

Heshiiskan ayaa u fasaxaya shirkadda dowladda Turkiga ee TPAO in ay hawlo shidaal baaris ah ka samayso saddex baloog oo kala duwan oo ku yaalla badda Soomaaliya.

Mooshinka la horgeeyay Baarlamaanka Turkiga ayaa lagu codsaday in la ogaalado in madaxweyne Erdogan uu awoodi karo inuu xeebaha Soomaaliya u diro ciidamada lagama maarmaanka ah muddo laba sano ah oo lasii cusboonaysiin karo iyada oo laga jawaabayo codsi rasmi ah oo uga yimid dowladda Soomaaliya.

Turkigu waxa uu Soomaaliya ka taageeri doona la dagaallanka argagixisada, burcad badeedda iyo ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta, iyo khataraha kale, iyada oo laga amba qaadayo go’aankii Golaha Ammaanka ee soo baxay December 1, 2023, kuna saabsanaa la dagaallanka argagixisada ku sugan Soomaaliya.

Mooshinka ayaa si toos ah u tixraacaya heshiiskii February ee ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga oo weli ah mid qarsdoodi ah. Inkasta oo Baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyay hadana Xukuumadda Erdogan ayaan weli heshiiskan horgeyn Baarlamaanka Turkiga si ay u ansixiyaan.

Mooshinkan ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqaya muhiimadda ay leedahay in la sugo ilaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashada xasiloonida gobolka iyo amniga danaha ganacsiga dibadda iyo gaadiidka badda ee Turkiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here