Thursday, September 19, 2024

Turkiga oo shaaciyay xilliga la bilaabayo shidaal baarista Soomaaliya

Ankara (Dawan)- Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab qaabilsan sahaminta shidaalka iyo gaaska, taasoo qayb ka ah fulinta heshiiskii iskaashia ahaa ee ay kala saxiixdeen labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar

“Waxaan u diri doona Soomaaliya, markabka Oruc Reis dhammaadka September, ama horraanta October, si uu u sameeyo baaritaan ballaaran oo la xiriira shidaalka, kaas oo laga yaabo inuu qaato dhowr bilood” ayuu yiri wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Markabku baaritaan ka sameyn doona saddex baloog oo xeebaha Soomaaliya ah, iyada oo Turkigu yeelan doono xuquuq gaar ah oo la xiriirta raadinta iyo soo saarista marka goobahaas laha helo shidaal, wuxuuna raaciyay hadalkiisa ” Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah oo ku jira xeebaha. Waan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah”

Bishii March ee sannadkaan, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan shidaal baaris iyo qodis laga sameynayo barriga iyo xeebaha Soomaaliya, kaas oo daba socday heshiis dhanka iskaashiga difaaca ah oo bishii kasii horeysay ay wada galeen, si loo xoojiyo xiriirka dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale awood u siinaya Turkiga inuu horumariyo kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Warbixin ay hore u soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya laga yaabo inay haysato ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto kuwaas oo isagu jira shidaal iyo gaas , balse ay u baahan tahay maalgashi qaadan kara seddex ilaa shan sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here