Monday, September 16, 2024

Turkiga oo shaqaalaha dowlada ka joojiyay dal-ku-galka dalxiiska

Ankara (Dawan)- Turkiga ayaa ku dhawaaqay in uusan sii deyn doonin dal-ku-galka dalxiiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ee heysta baasaboorka loo yaqaano service passport.

Go’aankan oo dhaqan galay laga soo bilaabo 18-kii bishan July ayaa waxaa uu kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho 15-kii isla bishaan July, inkasta oo aan la sheegin sababta ka dambeysa.

Sidoo kale warqad tix raac u ah go’aankaas laguna adkeynayo in loo hoggaansamo ayaa kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana lagu yiri; ” Hadaba iyada oo la tixgelinayo dhaqanka diblomaasiyadda, waxaa lala socodsiinaya dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowladda isbeddelkaas, waxaana laga rajeynayaa inay ku wageliyaan shaqaalahooda”

Turkigu waxa uu Muqdisho ku leeyahay safaaradda ugu wayn, taas oo bixisa adeegayada safaaradeed, sida fiisooyinka caafimaad, waxbarasho iyo dalxiis, waxa uuna Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo isagu jira dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Ma cadda sababaha rasmiga ah ee looga joojiyay shaqaalaha dowladda dal ku galka dalxiiska balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in laga yaabo inay la xiriirto arrimaha tahriibka, maadaama muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ay Turkiga uga sii gudbaan qaaradda Yurub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here