Thursday, September 19, 2024

Turkiga oo Soomaaliya ka raba meel lagu tijaabiyo gantaallada iyo xarun cirbixineed

Muqdisho (Dawan)– Turkiga waxay dowladda Soomaaliya kala hadashay dhisidda xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo bar laga gano dayax gacmeedyada oo ay ku yeelato gudaha Soomaaliya, sida ay ku warrameen dad arrintaan la socoda.

Barnaamijka Ankara ee ganataalaha balaastikada ah waxa uu u baahan yahay tijaabada riddada fog, halka ay Soomaaliya dhacdo ee ah cirifka bari ee barriga qaaradda Afrikana waa meel ku haboon in in gantaallada looga gano dhanka badweynta Hindiya, ayey dadkaan oo na weydiistay inaanan heybtooda baahinin mowduucan oo xasaasi ah dartiis.

“Waddanka (Soomaaliya) waxa uu u dhowyahay dhulbaraha, taasoo ka dhigeysa meel ku haboon xarun dayaxganmeed ayey ku dareen”. Tijaabada meelaha u dhow dhulbaraha waxay sare u qaadeysaa riddada iyo waxgalka gantaallada hawada loo gano ee dayaxgacmeedyada xambaara.

Turkiga ayaa muddo dheer ku taamayay inuu ku biiro tartanka hawada sare ee dhaqan ahaan ay u taliyaan quwadaha caalamka, qorshaha ah inuu gantaal ganana muddo sanado ah ayuu socday. Waxayna u badan tahay in Soomaaliya laga tuuri doono. Sidaas ayey dadaasi u sheegeen Bloomberg.

“Saraakiisha Turkida ayaa aad ugu kalsoon in Soomaaliya aqbali doonto codsigaan” ayey raaciyeen. Wasiirka difaaca Turkiga wuu diiday inuu arrintaan ka hadlo.

Isballaarinta Tukiga: Meelaha ciidamada Turkigu joogaan:

La taliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya xuseen Sheekh Cali wuu diiday inuu arrintaan ka hadlo markii teleefanka lagala hadlay Talaadadii. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Cabdi Axmed Kooshin wuxuu sheegay inuusan ka warheynin heshiiska noocaan ah ee Turkiga lala galay.

Turkiga ayaa ku howlan kordhinta riddada gantaalahiisa Tayfun ee gudaha lagu sameeyo oo hadda gaaraya 560 Kiiloomitir, sida uu 2022 sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Xaruntaan Soomaaliya waxay meesha ka saareysaa khatarta ah inay ku dhacaan meelo la deggan yahay iyo inay gaaraan dowlado kale ayey yiraahdeen dadka xogtaan gudbiyay.

Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha shisheeye ee fara ku tiriska ah ee xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo isku dayaya inuu dib u dhis ku sameeyo, kadib sanado badan oo dagaal qabiil ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Turkigu wuxuu awoodiisa ku ballaariyay iskaashiga difaaca iyo mashaariicda kaabayaasha, wuxuuna leeyahay qorshayaal sahaminta shidaalka ah.

Sidoo kale Turkigu wuu ku lug leeyahay dhexdhexaadinta dowladda Muqdisho iyo hoggaamiyeyaasha Somaliland.

Imaaraatka Carabta iyo Masar oo ay weheliyaan Turkiga ayaa ka mid ah quwadaha heerka dhexe ee soo gelaya guud ahaan Afrika iyadoo maal-gashigii Shiinuhu hoos u dhacay baacsiga Mareykankana sidoo kale.

Halka Ruushkuna uu astaan u noqday dareennada reer galbeedka ka soo horjeeda meelaha qaar, Shirkadda Wagnar looma jeclo sida loo jecelyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameyso ee TB2 Baykar oo ay iibsadeen 11 dal oo Afrikaan ah.

Cag-saaraha sii kordhaya

Turkiga ayaa galaangalkiisa Soomaaliya sii kordhinayay tan iyo markii uu Ordogan uu booqday 2011. Waxa uu xilligaas aqbalay inuu bixiyo kaalmo dhaqaale oo lagu soo nooleeyo adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka oo uu wehliyo ammaanka.

Heshiiska iskaashi ee dhanka warshadaha difaaca ah ee labada dal galeen 2015 waxa uu oggolaanayaa “cilmi baaris, horumarin iyo mashaariic wax soosaar wada jir ah oo quseeya dhanka qalabka Milatariga oo laga fulinayo dhulka labada dal

Labada dal waxay July isku raaceen dardargelinta iskaashigooda dhaqaale iyo kan difaac ee 10ka sano ee soo socda.

Sanadkii 2017 Turkigu wuxuu Muqdisho furay saldhigiisii ciidan ee ugu ballaarnaa ee meel dalkiisa ka baxsan uu ka dhiso, boqollaal askar Soomaali ah ayaan lagu tababaray. Waa qeyb kamid ah qorshaha Soomaaliya ay sare ugu qaadeyso ammaankeeda si ay uga adkaato dagaalamaaysha ururka Al-shabaab.

Waxaa la filayaa in Turkiga -oo raba inuu tijaabada Soomaaliya ku dabaqo dalal kale oo Afrikaan ah – uu Markab shidaal iyo gas baaraya u soo diro xeebaha Soomaaliya kadib markii ay dowladda Soomaaliya sidaasi codsatay.

Dhanka Siyaasadda, Ankara waxay dhowaan isku dayday dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo deriskeeda Ethiopia oo isku haya heshiis dakadeed oo ay Somaliland la  gashay Ethiopia.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here