Saturday, September 7, 2024

Turkiga oo Soomaaliya ka taageeraya horumarinta Shidaalka

Ankara (Dawan)- Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Talaadadii (shalay) waxa uu wadahadal laba geesood ah oo ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo Gaaska la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar, waxaana la isku afgartay in laga wada shaqeeyo horumarinta dhinaca Shidaalka iyo Gaaska ee Soomaaliya.

Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in dhiggiisa, Bayraktar uu muujiyay taageerada ay Turkiga ka geysanayaan horumarinta Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya, isagoo uga mahad celiyay marti-gelinta isaga iyo wafdigiisa intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga.


Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray heerar cusub oo iskaashi qoto dheer ah.

Arrimahaan ayaa ku soo beegmaya toddobaadyo ka dib markii ay labada dal kala saxeexdeen heshiis dhinaca amniga iyo dhaqaalaha badda ah.

“Heshiiska 10-ka sano ah waxa uu gacan ka geysan doonaa horumarinta awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya, si ay kor ugu qaadaan amniga badda, ilaalinta kheyraadka, la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, khataraha dibadda, iyo howlaha kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda badda Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay tan iyo markii uu Erdogan booqasho ku yimid Muqdisho sannadkii 2011-ka, isaga oo ahaa xilligaas Ra’iisul Wasaare.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Ilaa hadda, Turkigu wuxuu bixiyay gargaar ku kacaya hal bilyan oo doollar, iyada oo isweydaarsiga ganacsiga labada dal uu hadda marayo 280 milyan oo doolar, waxaana la filayaa in uu kor usii kaco marka la dhaqan geliyo heshiiskaan cusub.

Turkiga waxa uu Muqdisho ka dhistay Safaaradda ugu weyn Afrika iyo Saldhig Ciidan oo ku dhawaad 1,500 oo asgari lagu tababari karo markiiba, waxaana tababar ku qaatay tan iyo markii dhidibada loo taagay in ka badan 5,000 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here