Thursday, September 19, 2024

Turkiga oo war cusub kasoo saaray wadahadallda Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu si gooni-gooni ah ula kulmo mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya, ka hor inta aan la isagu imaanin kulan kale oo seddexaad, sida uu u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Tillabdaan ayaa qayb ka ah dadaallada uu Tukigu ku doonayo in lasoo afjaro khilaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Somaliland si ay u hesho deked.

Ankara waxay martigelisay laba wareeg oo wadahadallo ah oo aan wax natiijo ah kasoo bixin. Sidoo kale waxaa baaqday wareeg seddexaad oo qorsheysnaa inuu dhaco 17kii bishaan September.

Fidan waxa uu tilmaamay in dowladdiisu sii wadi doonto xiriirka ay la sameyneyso Soomaaliya iyo Itoobiya heer wasiir iyo heer madaxweyne, wuxuuna rajo ka muujiyay in xal laga gaari doono khilaafka, isaga oo tilmaamay inuu jiro isu soo dhawaansho.

“Waxaan aaminsanahay inaan isu soo dhaweynay dhinacyada, waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno arrintan. waxaa noo socda wadahadallo heer hoggaanka sare ah iyo sidoo kale heer wasiir, rajo wanaagsan ayaan qabaa” ayuu yiri Fidan

“Inti aan dhinacyada halkaan isagu keeni lahayn, iyaga oo aan si toos ah u kulmaynin, waxaan leenahay yool ah inaan la samayno xiriir gooni, gooni ah, si aan mowqifyada isagu soo dhawayno, kadibna aan isku keeno dhinacyada marka la isla garto wax heshiis lagu wadayaay” ayuu raaciyay hadalkiisa

Wasiirka ayaa intaas ku daray, in qorshahaan cusub uu ka dhashay cashiradii ay ka barteen wareegyadii hore ee wadaxaajooyada kuwaas oo mas’uuliyiinta Turkidu u kala dab qaadayeen wafuudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xiriirka Addis Ababa iyo Muqdisho ayaa xumaaday kadib makii Somaliland ay u ogolaatay Itoobiya inay badda ka hesho 20 km oo xeeb ah iyada oo ku bedelanyasa in loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna cayrisay safiirkii Itoobiya, iyada oo qaar ka mid ah mas’uuliyiinteedu ku hanjabeen in ay dalka ka saari doonaan kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka kuwaas oo isagu jira kuwa qayb ka ah ciidamada ATMIS iyo kuwa aan ka ahaynba.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here