Wednesday, March 12, 2025

Turkiga Oo Xoojinaya Xiriirka Afrika

By Bakar Osman

Xisbiga talada haya ee Turkiga, AK Party, iyo xisbiga xukunka haya ee Jabuuti, RPP, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo amniga iyadoo Jabuuti ay tahay marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah Geeska Afrika.

Xisbiyada xukunka haya ee Jabuuti iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo amniga. Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday magaalada Ankara, halkaas oo mas’uuliyiinta labada xisbi ay si rasmi ah u adkeeyeen iskaashiga ay yeelanayaan.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jabuuti u saxiixay Ilyaas Muuse Dawaleh, Wasiirka Maaliyadda iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ururka Dadweynaha ee Horumarka (RPP), halka dhanka Turkiga uu u saxiixay Zafer Sırakaya, Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party).

Kadib saxiixa heshiiska, Dawaleh ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muhiim ah oo sii xoojinaya xiriirka labada xisbi ee xukunka haya ee Jabuuti iyo Turkiga.

“Sharaf weyn ayey ii tahay saxiixa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya #RPP & #AKParti. Jabuuti iyo Turkiga waxay wadaagaan taariikh dheer, xiriirkooduna wuu sii xoogeysanayaa,” ayuu ku qoray bartiisa X (Twitter).

Dhankiisa, Sırakaya ayaa xusay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay AK Party iyo doorka istiraatiijiga ah ee Jabuuti ku leedahay siyaasadda Turkiga ee Afrika.

“Xiriirka aan la leenahay Afrika wuxuu noo leeyahay muhiimad weyn. Heshiiskan is-afgaradka ah ee aan la saxiixannay Xisbiga Ururka Dadweynaha ee Horumarka (RPP) ee Jabuuti wuxuu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo dhaqanka ee labada dal,” ayuu yiri Sırakaya.

Heshiiskan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Xisbiga AK Party ee lagu xoojinayo iskaashiga siyaasadeed ee Afrika. Jabuuti ayaa ku biirtay dalal ay kamid yihiin Koonfur Afrika, Equatorial Guinea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, kuwaas oo horey heshiisyo la mid ah ula saxiixday xisbiga AK Party ee Turkiga.

Xisbiga AK Party, oo la aasaasay 2001 uu hoggaaminayo Recep Tayyip Erdoğan iyo siyaasiyiin kale, ayaa ku guuleystay doorashadii 2002, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu noqday xisbiga ugu awoodda badan ee dalkaas.

Dhanka kale, Xisbiga RPP ee Jabuuti ayaa hayay awoodda dalka tan iyo 1980-meeyadii, isagoo weli ah xisbiga ugu awoodda badan ee waddanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here