Ankara, Turkiga – Turkiga ayaa Talaadadii martigeliyay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee hoos imaanaya Baaqa Ankara, iyadoo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka iyo in la xoojiyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Wadahadalladan ayaa lagu tilmaamay kuwo guul leh, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, Gedion Timothewos. Wadahadallada waxaa fududeeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Hakan Fidan, oo kulammo gooni-gooni ah la yeeshay labada wafdi si looga wada hadlo qodobada muhiimka ah ee hanaanka wadahadalka.
Fursad Cusub oo Taariikhi ah
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadolu, Wasiir Fidan ayaa xoojiyay muhiimadda iskaashiga gobolka, isagoo sheegay in wadahadalladan ay yihiin fursad cusub oo lagu hagaajin karo xiriirka labada dal iyo guud ahaan gobolka.
“Wasiir Fidan wuxuu sheegay in caqabadaha jira loo beddeli karo fursado horumarineed iyo xasillooni gobolka ah,” ayay tiri wakaaladda Anadolu.https://www.aa.com.tr/en/africa/turkiye-hosts-1st-round-of-technical-talks-between-ethiopia-somalia/3486143
Wadahadalka Farsamo iyo Iskaashiga Dhaqaale
Wadahadallada ayaa diiradda saaray iskaashi dhaqaale, gaar ahaan doorka Turkiga ee mashaariicda isku xirka gobolka. Sidoo kale, wafdiyadu waxay isla falanqeeyeen shuruucda kastamada, horumarinta dekedaha, iyo marinada gaadiidka, iyagoo tilmaamay saameynta ay arrimahan ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Bayaanka wadajirka ah ee laga soo saaray dhammaadka kulanka ayaa lagu xaqiijiyay sida dhammaan dhinacyadu uga go’an tahay hirgelinta himilada ku xusan Baaqa Ankara. Waxa kale oo lagu dhawaaqay in wareegga labaad ee wadahadallada farsamo la qaban doono bisha Maarso 2025, iyadoo Turkigu sii wadi doono fududeynta hanaanka.
Maxaa Xiga?
Wadahadaladan ayaa qeyb ka ah Baaqa Ankara ee la saxiixay bishii December 2024, kaas oo dhigaya in wadahadallada farsamo ay billowdaan ugu dambeyn bisha Febraayo 2025. Geeddi-socodka wadahadalka waxaa la filayaa in la soo gunaanado muddo afar bilood gudahood ah.
Inta lagu guda jiro wadahadalka, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale ku heshiiyeen inay iska kaashadaan heshiisyo ganacsi iyo kuwo laba geesood ah si loo xaqiijiyo in Itoobiya ay hesho “marin bad oo ammaan ah, la isku halleyn karo, oo waara,” iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida Qaranka Federaalka ee Soomaaliya, sida ku xusan Baaqa Ankara.https://dawan.so/khilaafkii-soomaaliya-iyo-itoobiya-oo-laga-heshiiyay/
Turkiga ayaa u muuqda inuu sii wadi doono fududeynta hanaankan, isagoo rajeynaya in wadahadalladan ay horseedaan xasillooni iyo horumar waara oo ka hirgala Geeska Afrika.