Sunday, September 8, 2024

Tuuryare oo noqonaya wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Isbaheysiga ciidanka Islaamka

Riyaad (Dawan)- Isbaheysiga ciidanka wadamada Islaamka ah ee la dagaalanka Argagixisada ayaa shaaciyay in xarunta Isbaheysiga Islaamka uu soo gaaray wakiilka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuure, isaga oo noqon doona wakiilki 33-aad ee ka shaqa billaaba xarunta Isbaheysiga.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Sareeye Guuto Maxamed Bin Saciid , ayaa faah faahin ka bixiyay imaanshaha Wakiilka Soomaaliya ee Xarunta Isbaheysiga Islaamka, si uu u guda galo shaqadiisa

Xoghayaha ayaa ku bogaadiyay dowladda Soomaaliya in ay soo dirto wakiilkeeda u qabilsan Isbaheysiga taas oo muujineysa sida ay uga go’antahay cirib tirka kooxaha argagixisada iyo ka qeyb qaadashadeeda dadaalada looga hortegayo xagjirnimada.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga Sareeye Guuto Maxamed Bin Saciid ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay Isbaheysiga maadaama ay dhacdo bariga qaaradda Afrika isla markaana ay u dhowdahay marin biyoodka Bab al-Mandab, taas oo keeneysa in ay kaalin mug leh ka qaadato la dagaallanka argagixisada gaar ahaan dhanka argagixisada badda kuwaas oo qatar ku ah habsami usocodka ganacsiga adduunka.

Wadamada Isbaheysiga dhanka Milateriga Islaamiga ah ee la dagaalanka Argagaxisada oo dhidibada loo taagay 2015-ki ayaa ka kooban 42 dowladood, waxa ayna iska kaashadaan isku dubaridka iyo mideynta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee dhinacyada fikirka, warbaahinta, maalgelinta iyo dagaalka tooska ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here