Friday, September 20, 2024

Uganda oo dib u celisay askar Congo ah oo kasoo carartay dagaal

Kampala (Dawan)- Dowladda Uganda ayaa dib ugu celisay dalkooda ku dhawaad ​​100 sarkaal oo ka tirsan Boliiska Congo kuwaas oo kasoo carary dagaalka ka socda dalkooda kadibna ka tillaabay xadka koonfurta-galbeed ee ay labada dal wadaagaan

Af hayeen u hadlay Uganda ayaa sheegay in askartan loo ogolaaday inay soo galaan dalka kadib markii la hubiyay aqoonsigooda, iyada oo la eegayo heshiisyada ka dhexeeya labada dal iyo sharciyada caalamiga ah, waxaana dib loogu celiyay dalkooda.

Dalka Congo dhowr jeer ayaa maxkmad lasoo taagay ciidamo ka baxsaday dagaalka ay dowladdu kula jirto jabhadaha kasoo horjeeda kadib marki lagu eedeeyay fulaynimo iyo khiyaano qaran.

Uganda ayaa ka mid ah dowlada deriska ah la ah Congo, ee martigelisa kumanaan qof oo kasoo cararay colaadda ka jirta dalka Congo, waxeyna dhowr jeer ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah in wax loo qabto qaxootiga kusoo qulqulaya dalkeeda.

Jabhadda M23 ayaa xoojisay weerarada ay ku qaado ciidamada dowladda, waxeyna qabsatay dhulka buuraha ah ee bariga dalkaas, iyada oo sidoo kale laga cabsi qabo inay sii qabsato dhul kale oo ballaaran.

Ciidanka Congo ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda M23 u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn balse laguma guuleysanin in la wiiqo awoodda jabhadda.

Dagaalkii ka dhacay waqooyiga Kivu wuxuu horseeday barakaca in kabadan 1.7 milyan oo qof, tiradaas oo ka dhigaysa dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadda ka jirta dalkaas 12.2 milyan, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here