Monday, September 16, 2024

Uganda oo sheegtay inay burburisay xarumo ay leedahay jabhadda LRA

Kampala (Dawan)- Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda kumaandooska oo ay taageerayaan ciidamada Koonfurta Suudaan iyo Afrikada Dhexe inay burburiyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan jabhadda the Lord’s Resistance Army ee uu hoggaamiyo Joseph Kony.

Howlgalka wadajirka ah ayaa lala beegsaday seddex saldhig oo ku yaal bariga gobolka Sam Uandja oo ku dhow xadka Suudaan.

Qoraal ka soo baxay ciidamada Uganda ayaa lagu yiri, “Haraagii ciidankii Lord’s Resistance Army ee gabaad ka dhigtay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ama meelo kale oo ka tirsan qaaradda Afrika waa la baacsan doonaa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in haddii aysan isku soo dhiibin dowladda lasii dabageli doono, iyada oo loo aqoonsayahay dambiilayaal baxsad ah.

Ciidamada Uganda ayaa soo bandhigay sawirka dhismo holcaya, balse ma aysan xusin in uu jiro khasaare ka dhashay weerarka, sidoo kale ma aysan sheegin in Kony uu xilligaas ku sugnaa saldhigyada la bartilmaameedsaday

Maxay tahay jabhadda LRA?

Joseph Kony ayaa dhidibada u taagay Jabhadda lagu magacaabo Lord’s Resistance Army sannadihii 1980-aadkii si uu u aasaaso maamul Kiristaan ​​ah, isaga oo dagaal kala horyimid xilligaas Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Joseph Kony iyo Jabhaddiiu waxay ku fideen dalal kale oo Afrikan ah oo ay ka dagalaameen sida Afrikada Dhexe, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Suudaan ka hor intii aanay kala go’in.

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee fadhigeedu yahay The Hague, ayaa ku eedaysay Kony inuu gaystay dilal kala duwan, falal addoonsi, kufsi, iyo weeraro ka dhan ah dadka rayidka ah. Ciidamadiisu waxay dileen in ka badan 100,000 oo qof waxayna qafaasheen 60,000 oo carruur ah kuwaas oo lagu qasbay inay noqdaan askar ama shaqaale kale.

Todobaadki hore, waxaa maxkamad ku taal dalka Uganda lasoo taagay taliyihii hore ee ciidamada Lord’s Army kaas oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Thomas Coelho ayaa lagu soo oogay 44 dambi oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jirdil, dhac, afduub iyo burburin goobo ay deganaayeen dad qaxooti ah

Coelho, oo muddo sanado ah xabsiga gudihiisa ku sugayay go’aan ku saabsan kiiskiisa ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here