Thursday, September 19, 2024

Uganda oo xirtay 21 qof oo ka mudaaharaadayay mashruuca shidaalka

Kampala (Dawan)- Boliiska Uganda ayaa xiray 21 qof oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha deegaanka kuwaas oo magaalada caasimadda ah ee Kampala ka dhigayay mudaaharaad looga soo horjeeday mashruuca ballaarinta shidaalka ee dhaliyay buuqa badan.

Mashruuca ballaariinta shidaalka ee Uganda ee ay hogaaminayso shirkadda weyn ee shidaalka ee TotalEnergies, ayaa qorshuhu yahay in lasoo saaro shidaal ceeriin ah si loogu dhoofiyo Tanzania

Kooxaha deegaanka ayaa sheegay in mashruucan uu cawaaqib xun ku hayo bulshada iyo deegaanka iyadoo qodis laga sameeyay Beerta Qaranka ee Murchison Falls, oo ah goobta ugu weyn ee ilaalinta deegaanka Uganda.

Dadka isku soo baxay ayaa isku dayay inay socod ku maraan baarlamaanka hortiisa iyo safaaradda Shiinaha balse waxaa ka hor istaagay ciidamada amaanka, iyada oo qaarkoodna la xiray.

Dibad baxayaasha qaarkood ayaa lagu haya saldhiga dhexe ee magaalada Kampala balse weli lama shaacin wax eedeymo ah oo loo haysto.

Mashruuca shidaalka waxa uu halis ku yahay dhaqaalaha gudaha ee Uganda wuxuuna saameyn ku yeelan doona habdhaqanka bulsho sida ay ku doodayaan dadka kasoo horjeeda.

Shirkadaha Total Energies iyo National Offshore Oil Corporation (CNOOC) ayaa hadda shidaal ka qodaya harada Albert, kaas oo lagu qiyaasay 6.5 bilyan oo barmiil oo ceyriin ah, oo ay ku jiraan ilaa 1.4 bilyan oo fuusto oo hadda lala soo bixi karo.

Shidaalkan waxaa la marsiin doona dhuun dhirirkeedu dhanyahay 1,443 km (900-mile) oo kasoo billaabanyasa waqooyi-galbeed ee Uganda, iyadoo gaari doonta dekedda Tanga ee Badweynta Hindiya ee Tanzania.

Shirkadda Total Energies ayaa ku leh dhuumaha shidaalka saami dhan 62% , iyadoo shirkadaha shidaalka ee Uganda iyo Tanzania ay leeyihiin min 15 %, halka shirkadda CNOOC ay leedahay 8%

Shidaalka ugu horreeya ee Uganda ayaa la filayaa in lasoo saaro sanadka 2025 ku dhawaad ​​labaatan sano ka dib markii la ogaaday shidaalka ku jira dalkaas.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa mashruucan ku tilmaamay inuu faa’iido dhaqaale u leeyahay dalka aan bad lahayn ee ay dad badani ku nool yihiin faqri.

Shirkadda Total Energies waxay sheegtay in dadkii laga kiciyay deegaanada mashruuca lagu fulinayo in ay heli doonaan cadaalad ah magdhow iyada oo sidoo kale ballan qaaday inay qaadeyso tillaabooyin lagu ilaalinayo deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here