Wednesday, October 2, 2024

Ugu yaraan 45 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay xeebaha Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Laba doomood oo ku degay xeebaha Jabuuti ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 45 tahriibayaal ah, iyadoo dad badan ay weli maqan yihiin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay (IOM) Talaadadii.

“Laba doon oo ku degay xeebaha Jabuuti ayaa si nasiib darro ah u sababay dhimashada 45 tahriibayaal ah, iyadoo dad badan ay weli maqan yihiin,” sidaa waxaa barta X kusoo qoray afhayeenka IOM.

IOM waxay sheegtay in dadaallada gurmadka iyo badbaadinta ay socdaan, iyadoo la soo badbaadiyay 32 qof oo nool.

Doomaha ayaa ka ambabaxay Yemen iyagoo siday 310 qof, balse waxay ku rogmadeen Gacanka Cadmeed.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa xustay inay si wadajir ah ula shaqeyneyso adeegyada gurmadka degdegga ah ee Jabuuti si loo helo rakaabka maqan, isla markaana loo taageero dadkii ka badbaaday masiibada.

Bishii Abriil, ugu yaraan 38 qof oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay ka dib markii doonidii ay la socdeen ku degtay xeebaha Jabuuti. Bishii June, ugu yaraan 49 qof ayaa dhintay, intooda badan oo kasoo jeeda Itoobiya iyo Soomaaliya, markii doonidoodi kasoo baxday Soomaaliya ay la degtay.

Tobannaan kun oo qof oo raadinaya nolol ka wanaagsan ayaa sanad walba ka baxa Afrika iyagoo ka tallaabaya Badda Cas si ay u gaaraan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka, taas oo hay’adaha samafalku ay ku sifeeyeen “mid ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan uguna halista badan ee tahriibka]caalamka”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here