Friday, October 18, 2024

Ujeedka booqashada Xasan Sheekh ee saldhigga Bali-doogle

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho ku tegaya saldhigga ciidamada Danab ee Bali-doogle. Safarkan ayaa ujeedadadiisi tahay  ka qeyb-galka munaasabad lagu soo gabagabeynayo tababarka ciidamo cusub oo Danab ah.

Saldhiggaan ayaa lagu tilmaama mid ka mid ah saldhigyada ugu ballaaran ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika, marka laga reebo saldhigyada ku yaala Jabuuti iyo Niger.

Waxaa lagu tababara ciidamada gaarka ah ee Danab, oo ah cutub ciidan oo gaar ah oo dowladda Soomaaliya u diyaarsatay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale.

Saldhigga Bali-doogle oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 90km waqooyi-galbeed ka xiga magaalada Muqdisho. Saldhiggan ayaa markii hore la dhisay 1970-meeyadii iyadoo taageero laga helayay Midowgii Sofiyeeti, waxaana markii dambe dib u howlgeliyay ciidamada Mareykanka iyo AMISOM sanadkii 2012.

Bali-doogle waxaa hadda loo isticmaalaa saldhig muhiim ah oo Mareykanka iyo ciidamada Danab ay ka fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Saldhigga waxaa sidoo kale ku sugan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, kuwaas oo loo adeegsado howlgalada sirdoonka iyo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here