Monday, September 16, 2024

UK oo £38m ku taageereysa daryeelka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed

Muqdisho (Dawan)- Safaaradda Britain ee Muqdisho iyo wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin daahfuray wajiga cusub ee mashruuc loogu magac daray “Better Lives” oo wax looga qabanayo daryeelka caafimaadka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed.

Mushruucan oo horay usoo socday, waxaa ku baxaya £38m ilaa 2026 iyada oo ka faa’iideysan doonaan ku dhawaad 4 million qof oo ay kamid yihiin 400,000 oo Hooyooyin ah iyo 230,000 oo carruur ah.

Dadka ka faa’iideysan doona ayaa ku nool 11 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland .

Mashruucu waxa uu bixi doona adeegyo caafimaad sida tallaalka, daaweynta nafaqo-xumada iyo cudurrada carruurta iyo haweenka, iyada oo la hiigsanayo in la yareeyo dhimashada hooyooyiinka ee xilliga umusha.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan safaaradda UK ee Muqdisho ka furay mashruuca Better Lives oo ay maalgelisay hay’adda UKAID. Mashruucan wuxuu horumarin doonaa daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Galmudug, Jubbaland, iyo Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota” ayuu yiri, wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay ballanqaadka UK ee ku aaddan dadaallada caafimaadka iyo nafaqeynta ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo daryeel xumada caafimaad ee ka jirta qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Wafaa Siciid ayaa qirtay in ay Soomaaliya ka jiraan caqabado badan sida colaado iyo isbeddelka cimilada, laakiin waxa ay rajo ka muujisay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka iyo taageeridda loo fidinayo dadka nugul, sida haweenka iyo carruurta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here