Monday, September 23, 2024

UNHCR oo dib ugu celineysa dalalkooda qaxooti ay ku jiraan Soomaali

Malawi (Dawan)- Qaxooti badan oo ay mid yihiin Soomaali kuwaas oo tobanaan sano ku noolaa Malawi, ayaa haatan dib ugu laabanaya dalalkoodii iyada oo loo marayo barnaamij dib-u-celin aan qasabka ahayn oo ay iska kaashanayaan dowladda Malawi iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR).

Barnaamijkan, oo si gaar ah loogu talagalay qaxootiga doonaya inay dib ugu laabtaan dalalkoodii, ayaa lagu bilaabay wada-shaqeyn lala yeeshay UNHCR si loogu abuuro “meel ammaan ah” oo ay qaxootigu ku laaban karaan iyaga oo aan wax caqabad ah kala kulmin, sida ay sheegtay Hilda Kausiwa, oo ah maareeyaha sare ee Waaxda Qaxootiga ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Malawi.

Illaa 53,000 oo qaxooti ah oo ka yimid dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), Rwanda, Burundi, Itoobiya, Eritrea, iyo Soomaaliya ayaa ku noolaa Xerada Qaxootiga ee Dzaleka tan iyo sagaashamaadkii. Barnaamijkan ayaa haatan taageero ballaaran ka helaya qaxootiga, iyadoo ilaa 200 oo qof ay dib ugu laabteen dalalkoodii, halka 800 kale ay qorsheynayaan inay laabtaan.

Kausiwa waxay sidoo kale sheegtay in UNHCR ay bixineyso maalgelinta iyo taageerada muhiimka ah ee dib-u-celinta, iyadoo hoosta ka xarriiqday in dowladda Malawi iyo UNHCR aysan qasbaynin qaxootiga inay ku laabtaan dalalkooda, balse ay iyagu go’aansanayaan.

Mid ka mid ah qaxootiga ka soo jeeda Soomaaliya, Amiin Suudi, oo ku noolaa Malawi tan iyo sanadkii 2000, ayaa sheegay inuu muddo dheer doonayay inuu dalkiisa ku laabto, isagoo ku tilmaamay barnaamijkan fursad ku habboon waqtigeeda.

Sanadkii 2023, dowladda Malawi waxay si khasab ah u saartay qaxootiga ganacsiyada ka waday magaalooyinka dalka, iyada oo dib ugu celisay xeryaha qaxootiga, arrintaas oo noqotay tallaabo si weyn ay u cambaareeyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha. Qaxootiga ku sugan xeryaha waxay helaan gunno bille ah iyo raashin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here