Friday, September 20, 2024

Ururka Midowga Boostada Adduunka oo Soomaaliya ka cafiyay $2 milyan

𝗕𝗲𝗿𝗻𝗲 (Dawan)- Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa Soomaaliya ka cafiyay daynti uu ku lahaa oo gaareysay 2 milyan oo dollar, sida uu sheegay Masahiko Metoki oo ah Agaasimaha Guud ee Ururka.

Lacagta laga cafiyay Soomaaliya ayaa isagu jirta qaaraanka xubinimada ururka oo dhan hal milyan oo dollar iyo dulsaar aruuray 1982-kii ilaa 2018-kii oo gaaraya mliyan kale.

Dayn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Maxamed Aadan Macallin Cali ayaa kala hadlay Agaasimaha Ururka Midowga Boostada Adduunka sidii Soomaaliya ay u heli leheed fursadaha uu ururku bixiyo oo ay ka mid tahay tababaridda iyo tayeynta shaqaalaha Boostada si dib loogu soo nooleeyo adeegyadii Boostada ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Ururka Midowga Boostada Adduunka taageeradii kala duwaneyd ee uu siiyay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, inkasta oo ay xayiraad ka saarneed Soomaaliya in ay dibadda wax u dirto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here