Monday, September 16, 2024

Ururka SJS oo baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Cali-nuur Salaad

Muqdisho (Dawan)- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyey xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad loogu gaystay magaalada Muqdisho galabnimadii Isniinta, wuxuuna Ururku ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa xadhiga Calinuur Salaad, maamulaha guud ee warbaahinta Dawan, waxaanan ugu baaqayaa in xoriyadiisa si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo soo celiyo” ayuu yiri; Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Muumin.

Xoghayaha ayaa intaas ku daray in xariga Calinuur oo kale ah oo u adeega shacabka Soomaaliyeed una soo tebiya arrimaha xasaasiga ah ay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah ku tahay xoriyadda saxaafadda iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, waxayna sidoo kale meel ka dhac ku tahay dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“Waxaan ka codsaneynaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu si deg deg ah u amro in la sii daayo wariye Calinuur Salaad, isla markaana uu xaqiijiyo in saxafiyiinta ay ku shaqeeyaan iyaga oo aan ka cabsi qabin ciqaab iyo caga-jugleyn ay la kulmaan madaxda dowladda oo uu ku jiro madaxweynaha. Saxaafaddu maaha cadaw; waa tiirka dimoqraadiyadayada,” ayuu Muumin ku daray hadalkiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here