Monday, September 16, 2024

USAID oo mashruuc biya gelin ah ka hirgelineysa Dowlad Deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Dawan)- Hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa shaaca ka qaaday in ay lacag dhan 10 milyan oo dollar ay ku bixinayso nidaamka biyo-gelinta Dowlad Deegaanka Soomaalida si wax looga qabto abaaraha kusoo noqnoqda Deegaanka.

Todobaadkan waxaa magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida si rasmi looga daah furay nidaamka cusub ee biyo-gelinta oo ay ku baxayso lacag dhan $10 milyan.

Nidaamkan cusub ayaa biyo nadiif ah oo la cabbo gaarsiinaya Cadadley iyo nawaaxigeeda, waxaana ka faa’iidaysanaya in ka badan 14,200 oo qoys, oo ay ku jiraan dadka gudaha kusoo barakacay ee ku nool gobolka Shabeelle ee Deegaanka.

Qaybaha muhiimka ah ee nidaamkaan, waxaa ka mid ah qaabeynta biyaha webiga Shabeelle si loo helo ilo biyood la isku halayn karo, dhismaha warshadda biyaha si ay dadku u helaan biyo nadiif ah oo la cabbo iyo shabakad qaabilsan qaybinta biyaha si loo gaarsiiyo dadweynaha .

Nidaamkan cusub ayaa sidoo kale hiigsanaya in si joogta ah loo helo biyaha iyada oo laga faa’iideysanayo ilaha biyoodka kala duwan sida biyaha ka dhasha dadaadka xilliyada roobabka.

Dhawaan Hay’adda Mareykanka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee USAID ayaa Itoobiya ka billawday mashruuc lagula dagaalayo cudurka qaaxada kaas oo ay ku baxeyso lacag dhan 8 malyan oo dollaar kaas oo socon doono muddo shan sano ah, waxaana laga hirgelin doona deegaano intooda badan tuulooyin ah oo hoostaga magaalooyinka kala ah Addis Ababa, Diridhaba, Shaggar oo ka tirsan gobolka Oromia iyo Harar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here