Friday, November 22, 2024

Waa caadadiisa ee ceebtiisa ma aha!

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye

Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guul daraystay in uu dhallinyaradii Soomaaliyeed dalkooda hooyo shaqo abuur ugu sameeyo, haddana uu ku amray dalalka ay u doonteen nolol iyo wabarsho in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma eegin duruufaha dhallinyarada dibadda u qaxay iyagoo raadinayo amaan,nolol iyo Waxbarasho, sidoo kalana wuxuu halmaamay xaaladda dalku ku sugan yahay oo isaga looga fadhiyo in uu wax ka beddalo!

Waa xaq in Soomaaliya dalkoodii hooyo tahay balse waxaa sharaf dhac ku ah Madaxweyne Xasan in dalkoodii nabad iyo xasilooni uu ku soo dabbaliwaayey ka hor inta uusan wadahadal ka gelin arrinkaas.

Madaxweynaha waxaa la gudboonaa in uu dalka Jarmalka ka codsado in gacan laga siiyo sidii dhallinyarada dalkoodii loo xasilin lahaa, kaddibna shaqo abuur iyo Waxbarasho loogu helilahaa.

Waxaa uur ku taallo ah in uu aradaydii iyo dadkii maatada ahaa iyagoo guriyihii ka maqan Cagaf la dulmariyo:bal eega calool xumada gabadhaas ardayadda ah (sawir lagu baahiyay baraha bulshda) oo gurigi ay ku nooleyd Madaxweyne Xasan amray in banaanka la dhigo.

Runtii, inta caqliga, damiirka iyo Soomaalinimadu ku dambeyso ayaa garan kara dhibka shacabka loo geystay; waa arrin murug leh, una baahan in si dhab ah looga hortago.

Madaxweyne Xasan waxa uu shacabka Soomaaliyed u wada guri hoog ee halagu soo celiyo jidka saxda ah!

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here