Friday, September 20, 2024

Waa kuma madaxweynaha 9-aad ee Iran?

Tehran (Dawan)- Musharraxa isbedel doonka ah, Mascuud Pezeshkian, ayaa ku guuleystay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada Iran isagoo helay 53.7% codadkii la dhiibtay, wuxuuna noqday madaxweynaha sagaalaad ee dalka Iran.

Af-hayeenka arrimaha doorashada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Muxsin Islaami oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Pezeshkian uu helay 16,384,403 cod, taas oo ka dhigan 53.7% halka uu Siciid Jaliili uu helay codad dhan 13,538,179, oo ka dhigan 44.4%.

Muxsin ayaa intaas ku daray in tirada guud ee dadka codeeyay ay gaarayeen 30,530,157 kuwaas oo ka codeeyay 59,000 oo xarumood oo dalka oo dhan ah, iyada oo ka qayb galka doorashada lagu qiyaasay 49.8%.

Natiijada kadib, Siciid Jaliili ayaa qirtay inuu ku guul-darraystay doorashadii dhacday Jimcihi, wuxuuna ballan qaaday inuu la shaqayn doono madaxweynaha cusub ee la doortay.

Waa kuma madaxweynaha 9-aad ee Iran?

Siyaasigan isbedel doonka ah ee Pazashkian waxa uu ku dhashay magaalada Mahabad 29-kii September 1954-tii isaga oo ka soo jeeda qoys asal ahaan isagu jira Turki iyo Iran .

Pezeshkian, oo magaciisu macna ahaan ku noqonayo luqadda Faaris “dhakhaatiir” , wuxuu ka qalin jabiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Tabriz wuxuuna kasoo qayb qaatay isaga oo dhakhtar iyo dagaalyahan ah dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee dhacay intii u dhaxaysay 1980 iyo 1988.

Dagaalka ka dib, Pezeshkian wuxuu sii watay waxbarashadiisa isagoo ku takhasusay qalliinka guud ee Jaamacadda Tabriz ee Sayniska Caafimaadka.

Pezeshkian waxa uu takhasuskiisa qalliinka wadnaha ka qaatay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Iran 1993kii, ka dib waxa uu noqday khabiir ku takhasusay qalliinka wadnaha isaga oo Guddoomiye ka noqday Jaamacaddiisi Tabriz ee Sayniska Caafimaadka intii u dhaxaysay 1994 iyo 1999.

Pezeshkian ayaa siyaasadda soo galay markii loo magacaabay wasiir ku xigeenka caafimaadka sanadkii 1997, xiligaas oo uu xilka hayay madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Khaatami, ka dibna waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka sanadkii 2001, isaga oo xilkaas hayay ilaa 2005-tii.

Pezeshkian, waxaa u suurtagashay in uu Baarlamaanka soo galo isagoo wakiil ka ah Tabriz doorashooyinkii guud ee dalka ka dhacay 2008-dii, wuxuuna xubinimadiisa xildhibaanimo xajistay shan xilli doorasho.

Sannadkii 2016, Pezeshkian wuxuu sidoo kale soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Iran muddo 4 sano.

Pezeshkian, ayaa sanadkii 2013-kii isku soo taagay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalka Iran, balse markii dambe waa ka tanaasulay musharaxnimadiisa. Markale ayuu isa soo sharraxay sannadkii 2021-ka, waxaana diiday inuu tartamo Golaha qaabilsan kala shaandhaynta musharrixiinta.

Mascuud Pezeshkian waa musharraxa kaliya ee ku abtirsada garabka bidix. Wuxuu ololihiisa doorashada ku saaray diiradda inuu dib u habeyn ku sameyn doono nidaamka dalka, waana mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan gudaha Iran.

Pezeshkian, ayaa taageero xoogan ka helay madaxweynayaashii hore ee Maxamed Khaatami Xasan Rouhani iyo qaar ka mid ah siyaasiyiin caan ka ah dalkaas oo ay ka mid yihiin wasiiro, wuxuuna ballan qaaday inuu la dagaalami doono takoorka ku dhisan kooxeysiga iyo qowmiyadda, isaga oo ololihiisa xooga ku saaray wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo garsoorka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here