Thursday, September 19, 2024

Waa kuma ninka 23 sano xabsi ku jiray ee noqday hoggaamiyaha Xamaas?

Muqdisho (Dawan)- Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Yaxya Sinwar loo doortay madaxa xafiiska siyaadda ee ururka, isaga oo bedeli doona hoggaamiyihii hore Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iran, Arbacadii lasoo dhaafay.

War-saxaafadeed kaso baxay ururka ayaa lagu yiri; ” Ururka Xamaas waxa uu ku dhawaaqaya in Yaxye Sinwar (61 jir) loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka, isaga oo beddelaya hoggaamiyihii shahiiday ee Ismaaciil Haniyeh.”

Ururku ma sheegin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Madaxda sare ee ururka Xamaas ayaa billoowday Sabtidii lasoo dhaafay wadatashiyo la xiriira sidii loo dooran lahaa hoggaamiyaha buuxinaya booski uu banneeyay Haniyeh oo lagu dilay dalka Iran kadib markii uu ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran.

Waa kuma Yaxya Sinwar?

  • Yaxya Sinwar waxa uu ku dhashay Khan Yoonis sannadkii 1962
  • Waxbarashadiisa jaamacadeed waxa uu ku qaatay jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza, halkaas oo uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay qeybta daraasaadka Carabiga.
  • Sinwar waxa uu gacan ka geystay aasaasiddii ururka Xamaas dabayaaqadii 1980-meeyadii.
  • Sannadkii 1988-kii, maxkamadda Israel ayaa ku riday xukun afar qayb ka koobnaa oo midkiiba ahaa xabsi daa’in, kadib marki lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka laba askari oo Israel ah.
  • Wuxuu xabsiga ku jiray 23 sano oo xiriir ah, balse waxa uu ka mid noqday in ka badan 1,000 maxbuus oo la sii daayay sanadkii 2011-kii, iyadoo lagu bedelay askari u dhashay Israel, kaas oo ku jiray gacanta Xamaas muddo shan sano ah.
  • Yaxya Sinwar ayaa loo doortay sannadkii 2017 madaxa ururka ee Marinka Gaza, iyada oo markale loogu celiyay sannadkii 2021.
  • Israel ayaa u aragata Sinwar inuu lahaa maskaxda ka dambeysay weerarkii lagu qaaday 7-dii october ee sanadkii tegay, waxeyna madaxiisa dul dhigtay lacag dhan $400,000, sida ay sheegtay shabakadda ABC News ee Mareykanka laga leeyahay.
  • Maraykanku wuxuu Sinwar ku daray liiska “argagixisada caalamiga ah” Sebtembar 2015.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here