Thursday, September 19, 2024

Waa kuwee dalalka ku guuleystay billadaha ugu badan Olympic-da?

Paris (Dawan)- America ayaa ku dhameysatay tartanka Olympic-da Paris 2024 kaalinta koowaad, iyadoo oo xagga tirada wadarta guud ee billadaha ka horeysa dalka uu kala dhexeeyo xifaaltanka guud ee Shiinaha.

Inkasta oo ay labada dal ka simanyihiin billadaha Dahabka, hadana America waxey Shiinaha ku dhaaftay aruursiga billadaha Qalinka iyo Maarta, waxeyna wadarta guud heshay 126 billadood.

Billadaha Mareykanka ayaa isagu jira 40 Dahab ah, 44 Qalin ah iyo 42 Maar ah.

Dalka Shiinaha oo galay kaalinta labaad, waxa uu tirada la wadaagaa Mareykanka marka ay timaado Dahabka balse Qalinka iyo Maarta waxa ay ciyaartooydiisu heleen 27 iyo 24, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 91 billadood.

Kaalinta seddexaad waxaa mudnaanta billadda Dahabka ku galay Japan inkasta uu farqi wayn u dhexeeyo dalka ka horeeya ee Shiinaha. Japan ayaa helay 20 Dahab ah, 12 Qalin iyo 16 Maar ah, wadarta guudna waa 45.

Australia ayaa lama filaan ku noqotay martigeliyaha sannadkan iyo dalwaynaha Britain kadib markii ay ka xoogtay kaalinta afaraad, waxeyna wadarta guud aruursatay 53 billadood. Mudnaanta waxay ku heshay billadaheeda Dahabka oo ah 18.

Faransa oo lagu eedeyay inaysan la imaanin martigelin u qalanta Olympic-da ayaa heshay billada gaaraya 64. 16 billadood oo kaliya ayaa ah Dahab.

Dalka Netherlands ayaa wacdaro dhigay marka loo eego billadaha ay soo hoyeen ciyaartoydi meteleysay, waxeyna ku guulesteen 34 billadood.

Dalwaynaha Britain ayaa lasoo laabtay guul ka hooseysa filashadii ay qabeen dadkiisa ka hor billaabashada Olympic-da , waxeyna heleen metelayaashii tirada badnaa kaliya 14 billad oo Dahab ah, 22 Qalin ah iyo 29 Maar ah.

Kuuriyada Koonfureed, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa kala galay kaalmaha siddeed, sagaalaad iyo tobanaad, sida magacyadoodu u kala horeeyaan.

Wadamada Carabta oo idil waxey heleen kaliya 17 billadood, waxaan Dahab ah ka ah 8. Boqortooyada Bahrain ayaa ah dalka helay billadaha ugu badan dhanka Carabta, waxeyna aruursatay 4 billadood.

Ciyaaraha Olympic-da soo socota ayaa la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka sannadka 2028.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here