Monday, September 30, 2024

Waa maxay cudurka sababay dhimashada ee ka dillaacay Rwanda?

Rwanda (Dawan)- Fayraska Marburg oo ah cudur dhiigbax ah oo si aad ah u faafa, ayaa Jimcihi ka dillaacay Rwanda, waxaana uu durba sababay geerida 6 qof iyo in uu dad badan  soo ritay haba ugu badnaadaan dadkaas shaqaalaha caafimaadka, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Ugu yaraan 26 xaaladood oo cudurka fayraska Marburg ah, oo ay ku jiraan lix dhimasho, ayaa laga diiwaan geliyay Rwanda kadib markii uu cudurku ka dillaacay, sida ay xaqiijyeen masuuliyiinta caafimaadka Sabtidii.

Wasiirka Caafimaadka Sabin Nsanzimana ayaa sheegay in dadka dhibaneyaasha ah ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya waaxda daryeelka degdegga ah

Nsanzimana waxa uu intaas ku daray in wasaaradda iyo la-hawlgalayaasheeda ay sameynayaan raadinta dadka la xiriiray bukaannada iyo kuwa geeriyooday.

“Waxaan ka shaqeyneynaa in si degdeg ah loo baaro dadka laga shakiyo si kuwa fayraska laga helo hore loogu daryeelo si loo joojiyo faafitaanka, loogana fogaado xaalado daran iyo dhimasho dheeraad ah,” ayuu yiri Nsanzimana.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in cudurka fayraska Marburg, oo ah xummad dhiigbax ah, lagu xaqiijiyay bukaanno kooban oo ku sugan xarumaha caafimaadka ee dalka.

Kadib markii cudurka fayraska laga helay Rwanda, hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay inay kordhineyso dadaallada lagu taageerayo dowladda si loo xoojiyo tallaabooyinka lagu joojinayo faafitaanka.

Fayraska cudurka Marburg wuxuu ka tirsan yahay isla qoyska fayraska sababa Ebola, oo ah cudur aad u halis badan oo keena xummad dhiigbax leh, iyadoo heerka dhimashada uu gaari karo ilaa 88%.

Xanuunka uu sababo fayraska Marburg wuxuu ku bilaabmaa si kedis ah, iyadoo la dareemayo qandho aad u sarreysa, madax-xanuun daran, iyo daal badan.

Bukaanno badan ayaa laga yaabaa inay yeeshaan calaamado dhiigbax halis ah muddo toddoba maalmood gudahood ah.

Fayrasku wuxuu uga gudbaa dadka xayawaanka bakaylaha miraha cuna wuxuuna ku faafaa dadka dhexdiisa iyada oo loo sii marayo taabashada tooska ah ee dheecaannada jirka ee qofka cudurka qaba, dusha sare, iyo walxaha kale.

Calaamadaha cudurka waxaa ka mid ah qandho sarreysa, madax-xanuun daran, matag, iyo murqo-xanuun.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here