Sunday, September 8, 2024

Waa maxay waddada isku xiridoonta Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya?

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika ayaa shikoodi 18-aad ee Hindisaha Geeska Afrika ee ka qabsooomay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ku ansixiyay dhammaystirka dhismaha Waddada isku xirta Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku baxayso 750 Milyan oo Doollar.

Shirkan oo ahaa mid heer wasiir ah ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga wada tashan lahaa iskaashiga iyo maalgashiga xuduudaha gobolka Geeska Afrika.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Kuunfurta Suudaan, iyo Eritrea, iyadoo ay goob joog ahaayeen wakiilo ka kala socday Bankiga Horumarinta Afrika, Bangiga Adduunka, Xoghaynta IGAD, iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirka, isaga oo tilmaamay doorka Soomaaliya ee arrimaha gobolka.

“Waxaan Addis Ababa kaga qayb-galay shirkii wasiiradda Hindisaha Geeska Afrika. Waxaan ka wada hadalnay muhiimada ay leedahay maalgashiga bulshooyinka xuduudaha iyo doorka maalgelinta gaarka ah ee mashaariicda xuduudaha. Soomaaliya waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartaa isdhexgalka gobolka, ganacsiga, iyo maalgashiga,” ayuu yiri Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa ku dhawaaqay in shirka lagu ansixiyay dhammaystirka dhismaha Waddada isku xirta Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku baxayso Malaayiin dollar, taas oo kor u qaadi doonta isku xirka gobolka.

“Maanta, shirka Wasiirrada Geeska Afrika, waxa lagu ansixiyay mashruuca waddadaan oo ay ku baxayso 750 Milyan oo Doollar. Marinkani waxa uu qayb muhiim ah ka noqon doonaa kobcinta dhaqaale ee gobolkaan, waxaanu isku xiri doonaa Itoobiya, Jabuuti iyo Soamaaliya,” ayuu yiri, Ilyaas Muuse Dawaleh.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in qorshahaaan loogu tala galay in lagu fududeeyo isu socodka muwaadiniinta, ganacsatada, iyo maalgashadayaasha bulshooyinka xuduudaha.

Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda qorshaha 2024-2028 ee horumarinta Xuduudaha, kaas oo la doonayao in kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha Gobolka.

Xoghayaha ayaa caddeeyay sida ay IGAD uga go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii guul looga gaari lahaa hirgelinta qorshahaan muhiimka ah ee ka qeyb qaadanaya nabad gelyada, ganacsiga, iyo maalgashiga gobolka.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii ay dowladaha Jabuuti, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Uganda kala saxiixdeen heshiis ku saabsan dhamaystirka waddo isku xirta caasimadaha dalalkaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here