Friday, November 22, 2024

Waa sidee xaaladda Boosaaso kadib xiisaddii garoonka diyaaradaha?

Boosaaso (Dawan)- “Wax dhib ah ama dagaal ah oo dawladdu waddo kama jiro  Boosaaso” waxaa sidaas yiri, Taliska qaybta booliska gobolka Bari.

Taliska qaybta booliska gobolka Bari iyo maamulka degmada Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo wada qabteen ku sheegay in magaalada Boosaaso aysan ka jirin wax amni xumo ah. Waxay sidoo kale sheegeen in magaalada ay deggan tahay, Hadalkaan aya daba socda kadib markii Ciidadan PSF ay shacabka ku amreen shalay inay ka fogaadaan agagaarka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Taliska booliska iyo maamulka degmada Boosaaso ayaa sidoo kale digniin u diray wadayaasha gaadiidka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay barakicin ku samaynayaan bulshada si ay dhaqaale uga sameeyaan.

Shalay ayay ahayd markii Ciidanka amniga magaalada Bossaso ee loo yaqaan PSF ay soo saareen amar ah ah in la joojiyo shaqadii garoonka diyaaradaha, iyo in dadka deggen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso inay isaga fogaadaan aagga garoonka taas oo walaac badna ku abuurtay dadka rayidka.

Ciidanka waxay ku sababeyeen tillabaadas kadib markii laga horistaagay inay garoonka ka dhoofiyaan askar ka tirsan kuwaas oo qabay dhawaacyo sida ay sheegaan.

Arrinakaan ayaa muujinaya in uu weli jiro khilaafkii u dhaxeeya ciidanka PSF iyo Maamulka Puntland kaas oo saameyn ku yeelan kara xasiloonida guud ee deegaanada dowlad goboleedka Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here