Sunday, November 10, 2024

Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo galay maalinti 2-aad

Ankara (Dawan)- Wadahadallada u dhaxeeya wafuud ka kala socota Itoobiya iyo Soomaaliya oo uu Turkigu dhexdhexaadinayo ayaa galay maalintii labaad. Wadahadalka ayaa ka socda xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Ilo-wareedyo diblamaasiyadeed oo Turkiga ka tirsan ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay in wada-hadallada u dhexeeya wufuudda Itoobiya iyo Soomaaliya ay sii socon doonaan maanta oo Talaadada ah.

Ilo wareedka ayaa sidoo kale tilmaamay in labada wafdi aysan Isniintii u kulmin si si fool ka fool ah, waaana u kala dabqaadaya diblomaasiyiinta Turkida ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan.

Turkiga ayaa ku dadaalaya sidii wareegga labaad ee wadahadalladu ugu dhamaan lahaa isfahan iyo in lasoo afjaro khilaafka soo jiitamayay tan iyo horaantii sannadkan.

Warbaahinta rasmiga ah ee labada dal ayaa kaa aamusan wadahadallada. Isha kaliya ee xogta laga helayo ayaa ah dhanka Turkiga.

Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga Fidan ayaa usoo bandhigay labada dhinac qorshe lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay beddelkeed si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xiriirka u dhexeeya dowladaha deriska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis la gashay Somaliland kowdii January ee sannakan 2024 kaas oo u fasaxaya Itoobiya inay hesho bad ay isticmaasho arrimo ganacsi iyo ciidan.

Soomaaliya ayaa diiday heshiiskas, waxayna ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo khatar ku ah deris wanaagga iyo madax-banaanideeda. Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in heshiisku uusaan saamayn ku yeelan doonin xasiloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here