Monday, September 16, 2024

Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan

Ankara (Dawan)- Wajiga koowaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee xiisadda badda ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyada oo lagu ballamay in la isagu soo nqodo wajiga 2-aad billoowga bisha September ee soo socota.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa warbaahinta u sheegay in wadahadalladii maanta laga gaaray horumar iyada oo labada dhinac ay muujiyeen inay diyaar yihiin xallinta xiisadda taagan.

War-saxaafadeedka wadajirka ah oo nusqo ka mid ah ay soo gaartay Dawan TV ayaa lagu yiri; ” Wasiirrada Soomaalida iyo Itoobiya waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka waxayna Turkiga uga mahadcelinayaan fududaynta iyo sidoo kale wax-qabadkeeda joogtada ah”

Wasiirradu waxay isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo xiisadda jirta loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Dhanka Soomaaliya, War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada wafdi aysan isku hor fadhiisan fool ka fool, balse mas’uuliyiinta Turkigu ay u kala dab qaadayeen labada dhinac, iyada oo wafdiga Soomaaliya uu ku adkaystay mowqifkii hore ee ahaa ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka.

” Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dowladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa uga mahadcelisay dowladda Turkiga kaalinta ay ka qaadanayso xasiloonida geeska Afrika.

Dhanka Itoobiya ilaa iyo hadda (23:30) xilliga Geeska Afrika wax war ah oo ku saabsan wadahadallada kama soo bixin.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here