Saturday, September 7, 2024

Wadamada Khaliijka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Riyaad (Dawan)- Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada Khaliijka ayaa xaqiijiyay in ay garab taaganyihiin tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo amniga, xasiloonida, , madax banaanida iyo midnimada dhuleeda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Golaha Iskaashiga wadamada Khaliijka ee ka dhacay Magaalada Riyaad ee Boqortooya Sacuudi Carabiya.

Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer wasiir ee dhacay 17-kii bishii January, kaas oo ku saabsanaa in Soomaaliya laga taageero sidii ay uga hortegi lahayd wax kasta oo dhibaato ku ah qaranimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Go’aanka Jaamacadda Carabta ayaa yimid kadib markii ay Itoobiya la gashay heshiis Somaliland kaas oo u suurta gelinaya in ay adeegsado badda Soomaaliya, iyada oo ay Dowladda Soomaaliya ka hortimid heshiiskaas kuna tilmaamtay xad gudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanideeda.

Tillabada Wadamada Khaliijka ayaa ah guul diblomaasiyadeed oo usoo hoyatay Dowladda Soomaaliya, iyada oo lawada ogyahay sida ay dalalkaan xoog ugu leeyihiin siyaasadda Soomaaliya iyo taageeridda Dowladda.

Wadamada Khaliijka ayaa ka kooban Dowladaha kala ah, Sacuudi Carabiya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Cumaan, Kuwayt iyo Baxrayn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here