Thursday, September 19, 2024

Waddo isku xirta Qabribayax iyo Buladari oo xariga laga jaray

Jigjiga (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa maanta xariga ka jaray waddo isku xirta Qabribayax iyo Buladari taas oo dhirirkeeda lagu sheegay 56 KM ayna ku baxday lacag dhan 153 Milyan oo Birr.

Munaasabadda xarig jarka waxaa goob joog ahaa Wasiirka waddooyinka, Idriis Muuse, mas’uuliyiin kale iyo qaybaha bulshada.

Waddadan waxaa dhistay shirkadda Al-Afi Genaral Construction, kharashkeedana waxaa laga bixiyay khasnadda Xafiiska Jiddadka, iyada oo ay ka faa’iidaysan doonaan bulshada Buladari oo katirsan degmada Shabeeleey iyo tuulooyinka hoos yimaada Qabribayax.

“Madaxweynuhu waxqabad ayuu nagu ilawsiiyay xasuuqyadii iyo odhaahyadii cabsida ahaa ee nalooga bartay. Balanqaadyo door ah oo ay xukuumaddu noo samaysayna waa ay hirgaleen, aadna waan ooga mahadnaqaynaa”, sidaas waxaa goobta munaasabadda ka sheegay Sheekh Daahir Ibraahim oo ka mid ah odayaasha Buladari.

Bulshada Buladari ayaa kasoo kabaneysa tacadiyo badan oo hore uga dhacay deegaanka, waxayna mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka ka heleen ballan qaadayo ku saabsan sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaadka, Isgaarsiinta, Waxbarashada iyo waddadooyinka.

Deegaanada kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday sannadihi la soo dhaafay horumar ballaaran oo isagu jira dhinacayda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga, wax soo saarka beeraha iyo dhismaha nuucyadooda kala duwan iyada oo mas’uuliyiintu ballan qaadeen in ay taratan dhanka horumarka ah la gelayaan Deegaanaada kale ee dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here