Wednesday, October 2, 2024

Wafdi ka socda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika oo booqday Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti waxaa booqasho ku tegay Talaadadii wafdi heer sare ah oo ka socda Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), oo ay hoggaaminayso Agaasime Demitta Chinwude.

Ujeeddada booqashadu waxay tahay in la qiimeeyo shaqada aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti, iyada oo la eegayo kaalinta ay ku leedahay horumarinta ganacsiga qaaradda.

Jabuuti waxay wafdiga soo bandhigtay howlaha ay qabato xarunta DPFZA iyo sida ay uga qayb qaadato fududeynta isu socodka ganacsiga xorta ah iyo isku xirka qaaradda iyo dunida kale.

Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Goobaha ka caagan canshuuraha ee Jabuuti,  Abuukar Cumar Haadi iyo wafdiga  AfCFTA ayaa kawada hadlay hindisayaal dhowr ah iyo hal abuuro horseed u noqon kara horumarka ganacsiga gobolka.

Fududeynta iyo is waydaarsiga Ganacsiga

Qorshayaasha la isla meel dhigay waxaa ka mid ah fududeynta xamuulka badda iyo hawada ee badeecadaha isaga gooshaya Arika oo dhan. Nidaamkani waxa uu si weyn hoos ugu dhigay wakhtigi iyo kharashaadkii ku bixi jiray, waxa uuna hadda isku xiraa 27 magaalo oo ku kala yaala 24 wadan oo Afrikaan ah, taas oo Jabuuti ka dhigtay inay xudun ku noqoto isku xirka ganacsiga qaaradda.

Qorshaha kale ee uu soo bandhigay wafdiga AfCFTA waxaa ku jira Waddada Tareenka ee Afrika taas oo la doonayo inay isku xirto Badweynta Hindiya iyo Badweynta Atlaantigga.

Mashruuca jidka tareenku waxa uu qayb ka yahay dadaallada la doonayo in lagu xoojiyo isku xirka ganacsiga Afrika iyo horumarinta marinka gaadiidka ee qaaradda oo dhan.

Kaalinta Jabuuti ee is dhaxgalka ganacsiga qaaradda

Iyada oo ka mid ah 54-ka waddan ee saxiixay heshiiska AfCFTA oo la ansixiyay 2021-kii, Jabuut waxa ay si joogto ah u muujisay sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo fududaynta ganacsiga Afrika.

Guddoomiye Cumar Haadi waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in meesha ka saarno caqabadaha ku horgudban ganacsiga sida canshuura xad dhaafka ah, dhibaatada baasaaboorada si ay u fududaato in si sahlan la isaga goosho suuqyada wadamada Africa.

Booqashada wafdiga AfCFTA waxay hoosta ka xariiqaysaa saamaynta sii kordheysa ee dalka Jabuuti oo ah xarun istaraatiiji u ah ganacsiga Afrika, kobcinta isdhexgalka dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here